3513 Views

Baarlamaanka oo maanta la horgeynayo dood ka dhan ah Darbiga Kenya ka dhiseyso Xuduuda

Baarlamaanka oo maanta la horgeynayo dood ka dhan ah Darbiga Kenya ka dhiseyso Xuduuda
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 14, 2015 — Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya qaraar ku aadan, kana dhan ah xagudubka Kenya ay sameysay xuduuda, gaar ahaan ay ka dhiseyso xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya.

 

Guddiyada Arrimaha Dibadda iyo Gudaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo diyaariyay dooda maanta la horgeynayo Baarlamaanka.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa go’aan wax ool ah ka qaadan doona qaraarkan ku saabsan darbiga ay Kenya ka dhiseyso xuduuda, iyagoo si adag uga fal celin doona wararka sheegaya in Kenya ay bur burisay dhamaan calaamadihii xuduuda muujinayay ee ku yaallay dhanka degmada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo.

Hab-dhowraha Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cumar ayaa sheegay in kulanka maanta uu yahay mid ka duwan kulamadii hore, isla markaana Xildhibaanada dood kulul ka yeelan doonaan darbiga Kenya rabto inay ka dhisto xuduuda.

“Maanta oo taariikhdu tahay 14 November oo maalin sabti ah, waxaa jira kulanka Baarlamaanka, waxaana dood adag oo aad kulul laga yeelanayaa darbiga kenya, waxaa la horkeenayaa Baarlamaanka qaraar ku saabsan arrintaas oo ay soo diyaariyeen Guddiyada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha iyo Amniga”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah uga qeyla-dhaamiyay, kana dhiidhiyay darbiga ay kenya ka dhiseyso xuduuda oo la sheegay inay ku soo durugtay xuduuda, isla markaana dadka ku nool Gedo ay arrintan walaac ka muujiyeen.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment