3597 Views

Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha oo si kulul uga hadlay derbiga Kenya ay ka dhisayso xadka War-saxaafadeed

____________________________________________________________________________

IMG_0273-620x264

Moqdisho, November 15, 2015 — Xubnaha Guddiga Madax banaan ee Xuduudaha iyo  Federaalka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen darbiga Dowladda Kenya ay qorsheyneyso inay ka dhisto xadka ay lawadaagto Dalkeena Soomaaliya, waxayn soo saareen Warsaxaafdeed ka kooban 6-qodob

Qodobada War saxaafadeedka ku jira ayaa waxaa kamid ah  inay ayideen Go’aankii Baarlamaanka iyo Xukuumadda Somaaliya ay ka qaateen darbiga Kenya ay dhiseyso iyo baaq ay u direen Dowladda Kenya oo ah inay joojiso oo ay ku tilmaameen in ay tahy  mid sharci darro ah.

Cabdiqaaliq Cabdullahi Xamza oo katitsan Guddiga Madaxa Banaan ee Xuduudaha iyo Federaalka oo intaasi kadib Warbaahinta u akhriyay War-saxaafeedk ayaa  sheegay in guddiga uu dowladda Kenya ugu baaqayo in ay dhawrto sharuucda caalamiga ah, ee ku saabsan in dalne uusan fara gelin karin dalkale dhulkiisa, isla markaana ay dowladda Kenya ixtiraamto darisnimada labada dal ka dhaxesay, kana waantoowdo Xudgudubka ay ku heyso dalka Soomaaliya.

Xukuumadda iyo Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa ay cadeeyeen inaysan marnaba  Dowladda Kenya ka ogolaan doonin darbiga ay qorsheyneyso inay ka dhisto xadka ay lawadaagto Somaaliya, waxaana Baarlamanka Federaalka shalay ay go’aamiyeen inay sharci kasoo saaraan arintaasi.

Halkan ka akhriso

الصور00061الصور200021IMG_0257IMG_0264IMG_0265

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment