3708 Views

Wasiirka Haweenka oo ku baaqday in la dhiiri geliyo gabdhaha waxbaranaya

____________________________________________________________________________

Arday-620x264

Moqdisho, November 15, 2015 — Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Sahro Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in sida kaliya ee looga hortagi karo dambiyada ka dhanka ah beni’aadanimada ay tahay in la helo adeegyada aas aasiga u ah bulshada, taasi oo ay ku sheegtay inay ku howlantahay dowladda, isla amrkaana la xoojinayo doorka waxbarashada ee haweenka.

Wasiirka Haweenka oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamtay in loo baahanyahay in sare loo qaadashada Waxbarashada dumarka, si ay uga qeyb qaataan doorka uga aadan horumarinta dalka, isla markaana la dhiiri geliyo gabdhaha wax baranaya.

“Dowladda waxa ay xoogga saartay sare u qaadida waxbarashada, oo sida aad ogtihiin waxaa la mideeyay imtixaanaadkii dugsiyada sare, ayna muhiimtahay in la dhiiri geliyo waxbarashada dumarka, sidoo kale dowlada waxa ay xoogga saartay in la helo adeegyo caafimaad oo dhameystiran, dadbadan ayaana loo tababara inay bulshadooda xagga caafimaadka ka caawiyaan” ayay tiri Wasiirka Haweenka.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment