3384 Views

Dagaal qasaare geystey oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray meel ku dhow Jamacada Gahayr.

Dagaal qasaare geystey oo ciidamo ka wada tirsan dowladda ku dhex maray meel ku dhow Jamacada Gahayr.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 16, 2015 — Sida wararka nagu soo gaarayya, ayaa la sheegayaa in dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac uu ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan dowladda, xero ku taal degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho iyadoo dagaalkaas uu sababay dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ugu yaraan toban ruux ay ku dhinteen iska horimaadkan iyadoo dadka dhintey ay isugu jiraan dad rayid ah iyo ciidamada dagaalka dhex maray.

Dagaal ayaa la sheegay in uu ka qarxay muran ka dhashay qeybinta kaarar ay raashin ku qaadan lahaayeen dad danyar iyo barakacayaal ah oo ku jirey jaamacadii hore ee Gahayr ee magaalada Muqdisho.

Waxaa kale oo la sheegayaa in iska horimaadkan uu sababay dhaawac soo gaaray ciidamadii dagaalamay waxaana wararka ay sheegayaan in dhaawacan la dhigey isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ma hayno illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay ciidamada milatariga iyadoo aysan ahayn markii ugu horeysay ee ay ciidamada dowlada ku dagaalamaan magaalada Muqdisho ama deegaano kale oo ka mid ah dalka Soomalaiya, balse markaan waxaa lagu laayay dad u badan danyar an waxba galabsan.

 

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment