4737 Views

Madaxweynaha oo ku baaqay in khilaaf laga ilaaliyo wixii ka soo baxa shirarka madasha wada tashiga

Madaxweynaha oo ku baaqay in khilaaf laga ilaaliyo wixii ka soo baxa shirarka madasha wada tashiga
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 16, 2015 — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa fariin ku saabsan wada tashiyada dalka laga bilaabayo u diray shacabka, isagoo ugu baaqay inay aragtooda muhiimka ah inay ka dhiibtaan shirarka wada tashiga ee ku aadan habka is bedelka uga dhici karo dalka sanadka 2016 iyo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta dowladda kala hadlay shacabka, isagoo faah faahiyay heerarkii uu soo maray wada tashiyada qaran, waxaana uu tilmaamay in shirarka wada tashiyada ay si isku mid ah uga bilaabanayaan magaalooyinka maamul goboleedyada iyo magaalada Muqdisho.

“Magaalada Kismaayo, Baydhabo, Cadaado, Garowe iyo Muqdisho waxaa isla mar ka bilaabanaya barnaamij wada tashi ah oo bulshada soomaaliyeed ay uga wada tashanayaan sida ugu fiican ee 2016 is bedelada u dhici karaan iyo sida dowlad cusub ku imaan karto, dowlad goboleed kasta, deegaan kasta iyo dadka degan ayaa isugu imaanaya oo ka wada tashanaya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in wada tashiyada Hiigsiga sanadka 2016 laga ilaaliyo khilaaf iyo is qab qabsi, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ku wargeliyay in cid walba fikirkeeda ay xor u tahay oo ay go’aan kaga gaari karto mustaqbalka dalka.

“Waa in taladaas si fiican loo wajaho, khilaaf laga ilaaliyo, is qab qabsi laga ilaaliyo, colaadii waayihii aan soo dhaafnay inaan dib loo soo xusuusan oo horay loo socdo, muhiimada ugu weyn waa in dulqaad la sameeyo, shacabka waxaa ka codsanayaa inay dulqaad muujiyaan, in la is dhageysto oo la is aqbalo loo baahan yahay, hadaan anaga is aqbalin adduunyada nama aqbaleyso”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka in fikirkooda oo saxda ah ay ka dhiibtaan qaabka doorasho u dhici karto, waxaana uu xusay in waxyaabaha ka soo baxa ay noqdaan kuwa dan u ah dadka Soomaaliyeed.

“Shacabka waxay dhiibanayaan fikirkooda oo sax ah, qaabka doorasho uga dhici karto dalka, soo dhiibo ra’yigaaga, si xoriyad ku jirto, mas’uuliyad ku jirto iyo wadaniyad, fikradaha la isu keenayaa, waxaa ka soo baxaya waxa dan u ah shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri hadalkiisa sii raaciyay Madaxweynaha.

Wada tashiyada dalka laga bilaabayo ayaa ah sidii la isugu raaci lahaa nooc doorasho ee dalka ka dhici doonta sanadka 2016, taasoo la rajeynayo inay ka duwanaato tii sanadkii 2012 dalka ka dhacday oo aheyd soo xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka ee ay soo xuleen Odayaasha dhaqanka ka koobnaa 135 oday.

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment