17079 Views

Qaroofey oo Loo Guurinayo Ninkii Maxlali Lahaa

____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 16, 2015 — Qaroofey waa gabar sanweyn oo ay ka muuqato Afrikaanimo, joog qurxoona loo qoray qaab-dhismeedka jirkeeda oo ay ku dhan yihiin qalqalooca uu jirka dumarku hodonka ka yahay. Ragu waxey aaminsan yihiin haweenka sankoodu wax xoogay balaaran yahay in loo abuuray raaligelinta raga iyo rumeynta raalinimada marwonimadeeda. Qaroofey oo ah gabar aamus badan, dhaqankeeda waxaa ka muuqda dabeecad adag oo ah ineysan ka hadlin ama soo bandhigin dhibaatada nolosheeda kala soo gudboonaata, wax walba oo nolosheeda quseeyana waxaa ku daboolan qarsoodi adkeyneysa in la saadaaliyo waxa ay damacsan tahay, taas oo qasbeysa qof walba sidey doonto iney u fasirato.

Xaafadii ay degeneyd Qaroofey ayaa ragii ugu xoola roona waxey gabadha ka soo doonteen reerkooda, waxaana reerkii ku soo kordhay walaac ku saabsan gabadhooda oo 16 jir ah, hanaqaadkii naagnimana la soo baxday. Waalidkeed wuxuu kula taliyey iney iska guursato inta ay da’ yar tahay, waxeyna u soo jeediyeen in raga soo raadsadey oo hantileyaala ay mid ka xulato. Qaroofey oo ku raacday waaridkeed iney guursato ayaa ka codsatay iney ninka dooqeeda ah ay ula imaan doonto reerkooda,waxyna go’aankaas u qaadatay in qalbi wanaagsanaanta reerkooda aysan u soo hoos gelin kooxda ciyaartoyda xaafada oo uu tababare u yahay Kudkude oo ah nin weji guban oo neceb ku hadalka af Soomaaliga.

Xaayow oo ka mida raga soo doontay Qaroofey ayaa ahaa nin ku shaqeysta samafalka, saaxiib dhowna la ahaa Cirleef oo ah nin cadaana oo wadamada dibeda ka keena deeqaha loogu soo yabooho dadka dhibaateysan. Wuxuu sidoo kale xaafada ay saaxiibo dhow ku yihiin Badmaceeye oo ahaa nin xuuraansiga kula shaqeysta shirkado shisheeye oo xogaha qarsoon oo ay soo siiyaan isgu muujiya inuu yahay siyaasi halabuura talooyinka curiya ka guul gaarista himilooyinka. Waxey sidoo kale xaafada saaxiib dhow ku yihiin dhagarqabe loo yaqaano Dhuunkaal oo ah nin ku xeeldheer xoog iyo muruq ku maquuninta caqabadaha loo waayo xal siyaasadeed. Xaayow xaafada waxaa looga yaqaaney nin qosol badan oo leh weji ikhyaarnimo, laakiin qalbi caruurnimo leh, maskaxdana ciyaal suuq ka ah.

Cirleef waa nin joog iyo xoog lexaad leh, dhinacyo badana sheekooyin kala wadaaga Xaayow, wuxuuna si dhow ula socdaa talaabooyinka uu qaadayo Xaayow oo uu taladooda wax badan ku leeyahay. Cirleef dadka sooma dhexgalo, wax kastana waa la socdaa, waxaana lagu tilmaama inuu yahay nin waji xiran oo qalbi sheydaana leh  oo ay ku abuuran tahay maskax caqli badan. Dulmiga iyo beenabuurka u sheydaanku u waxyoodo ayuu ku muujiyaa inuu awoodo wax kasta inuu meelmarin karo, wuxuuna ku caan baxay jilaynimo loogu jecel yahay riyooyinka inuu rumeeyo.

Cirleef ayaa Qaroofey casumaad ugu soo gudbiyey saaxiibkiis Xaayow si uu ishiisa ugu arko quruxda looga sheegay gabadhaas. Kadib markii ay is arkeen Qaroofey ayuu Cirleef la jecleystay gabadha inta ay ka gaareyso 18 inuu ku madadaaliyo shaqo uu ka siiyo xaafiiskiisa, sidaasna wuxuu naftiisa ugu hibeeyey inuu hanto Qaroofey. Cirleef wuxuu ku qanciyey Xaayow inuu u soo dhoweeyey gabadha u doonayey, fursad badana uu u leeyahay inuu ku guuleysto Guurkeeda. Qaroofey marna ma jecleysan Xaayow, waxeyna u aragtaa inuu yahay nin xun oo xaafada keena cuntada iyo daawada dhacda oo dadka ay waxyeelo ka soo gaarto iyo isagoo markasta ay wadasocdaan saxiibo aad u xun.

Qaroofey dooqeedu wuxuu kala dul dhacay Xalane oo ahaa nin odey ah oo xaas iyo 5 caruura leh, waxeyna u soo jeedisey iney noqoto xaaskiisa 2aad. Wadatashi uu la yeeshay xaaskiisa 1aad ayuu aqbalay go’aanka ay u soo jeedisey Qaroofey oo ay isku xaafad ahayeen. Xalane wuxuu ahaa nin maskiina oo aqoontiisu gaarsiisan tahay heer jamacadeed, laakiin dowlada ugu shaqeeya darajo ka hooseysa dugsiga dhexe,wuxuuna ahaa nin daacad u ah qoyskiisa oo si xalaala ugu shaqeysta dhididkiisa, mana ahayn sida qaroofey qof ay ehelkiisu ku badan yihiin xaafada iyo degaanada ka ag dhow. Reerkii Qaroofey waxey ka aqbaleen Xalane guurka gabadhooda, wayna isku guuriyeen. Qaroofey waxey Xalane reerkooda uga qaaday lacag uu ku ganacsado, wuxuuna noqday tujaar weyn oo hantiile ah. Xalane wuxuu Qaroofey gudoonsiiyey Sanduuq weyn oo ay ka buuxaan kutubo,hargo, Dahabo iyo nuqulo hanti maguurto ah, wuxuuna kula dardaarmay Qaroofey in waxyaabaha ku jira sanduuqan uu yahay dhaxal qiimo badan oo uu ka soo gaarey awooweyaashiis, wuxuuna dareensiiyey inuu yahay dhaxalka aayaha ubadkeeda.

Xaayow iyo saaxiibadiis kuma aysan qancin guurka Qaroofey iyo Xalane. Maalintii Qaroofey ay gaartey 18 sano, welina aysan Xalane waxba u dhalin ayaa Xaayow loo soo adeegsadey dilka Xalane iyo kufsiga Qaroofey si gabadha loogu abuuro niyad jab weyn, waayo waxey ka hor timid saadaashoodii. Qaroofey oo ka argagaxdey falka uu kula kacay Xaayow iyo dilka uu u geystey gacaliyaheeda ayaa bilo kadib waxa ku soo baxay uur ay ogtahay xogtiisa inuusan ka imaan ninkeeda xalaasha ahaa, waxeyna ceebteeda ula carartay Cirleef oo isku muujinayey inuusan la socon sida wax u dheceen. Qaroofey ayaa u sheegtay Cirleef iney qorsheyneyso iney iska baxsato oo ay noqoto dibjir dugaag la nool ah. Cirleef oo ay mar horaba u diyaarsaneyd shaxda, haddana ay saameysay murugda ka muuqatey Qaroofey ayaa u soo jeediyey inuu magangelyo dalkiisa uga raadinayo iyada iyo saaxiibkiis ay wada shaqeysanayeen mudada dheer, wuxuuna u xaqiijiyey inuu u amaano-gelinayo sanduuqa iyo waxa ku jira oo ay wadato.

Qaroofey waxey timid dal aysan fahmi karin luqadiisa, dhaqankiisa, iyo diintiisa, waxaana ku adkaatay dhexgelida dadka u dhashay dalka ay soo gashay. Xaayow waxaa aad ugu fududaatay dhexgalka dhaqanka dalka cusub, waxaana loo diray dhowr sano inuu soo barto taariikhda loogu dhigayo sidii uu hebed ugu noqon lahaa danaha saaxiibkii keensaday. Waxaa Xaayow dib loogu soo shaqaaleeyey inuu Qaroofey u maamulo adeegyadeeda ay ku daryeeleyso wiil ay dhashay oo dhinaca maskaxda ay wax uga dhiman yihiin. Qaroofey wiilkeeda waxey u bixisay Shisheeye-Magan, wuxuuna soo gaarey tabargal xaga raganimada,wuxuuna ahaa wiilkeedu mid had iyo jeer hooyadiis la wadaaga sariirta. Xaayow marna qalbigiisa kama aysan bixin rabitaanka uu u qabo Qaroofey oo dantu bidey iney iska weheshato la sheekeysigiisa. Codsiyo badan oo is daba jooga oo uu u soo jeediyey Xayow ayey Qaroofey iska dhego tirtay waxeyna markasta u soo jeedineysey iney sii wataan wadahadalka iyo haasawe-beenaadka.

Xaayow wuxuu sanooyin badan uu kula talinayey Qaroofey in wiilkeeda maskaxda cuuryaanka ka ah uu adduun iyo akhiraba seejiyey, sidaas daradeedna ay ogolaato in si aan dabeeci ahayn dilkiisa loo farsameeyo. Qaroofey marna maskaxdeeda kama aysan suulin waxa ay ka aaminsaneyd Xaayow oo ahaa inuu yahay nin wax maqalkiisu yar yahay, aragtidiisuna gaaban tahay. Sidaas si ka duwan oo muujineysa insaanimo ayuu Cirleef ugu soo bandhigay Qaroofey talooyin muujinaya in wiilkeeda ay isaga wareejiso hayadaha xanaanada caruurta ku shaqada leh. Inkastoo qaroofey aysan labadaas midna maya dhihin, haddana marna ma muujin tanaasul ay ku dileyso ama ku dhiibeyso wiilkeeda.

Xaayow oo u muuqda mid uu ka dhamaaday dulqaadka uu hadal ku sii wadi karo ayaa go’aansaday inuu xoogo Qaroofey habeen barka marka uu ka jiifto wiilkeeda. Habeenkii qorshuhu uu ahaa ayaa Xaayow dhowr lugo digaag u soo xaabiyey Qaroofey si ay wakhti dheer u wada sheekeystaan, nasiibdarro Qaroofey ma jecleyn cunida hilibka digaaga ama shimbiraha, waxaana wakhti dambe bilowday halganka u dhexeeyey labadooda. Xaayow wuxuu xoog ku muquuniyey Qaroofey, wuxuuna ku guuleystey inuu dharka ka dhigo qaarkeeda dambe oo uu kala balaqo labadeeda lugood. Guushaas soo dhowaatey waxaa gaagixiyey Shisheeye-Magan oo dhawaqii iyo dhaqdhaqaaqa sariirta ku soo toosay, kadibna hooyadiis baalka ka galay oo labadeeda lugood dhexdeeda ku fadhiistay. Xaayow oo dareemay dhaqdhaqaaqa aan caadiga ahayn ee wiilka iyo iska caabinta hooyada ayaa bilaabay inuu wiilkii si daran korka uga garaaco, taas oo sababtay dareenkii hooyada inuu u jeesto ka difaacida wiilkeeda jugta ku dhaceysa, sidaasna waxaa ku suurtoobey in wiilkii uu hooyadiis u galmooday, Xayowna uu goobta isaga huleelo isagoo xog muhiim ah u sii qaaday Cirleef.

Qaroofey waxaa la soo dersey walaac cusub oo ah haddii Xaayow ku xumeeyo sida wax u dhaceen waxey muteysan xarig iyo wiilkeeda oo lagala wareego. Haddii ay ka warbixiso sida dhabta ah oo ay wax u dhaceena waxey ka cabsan iney dhumiso wiilkeeda oo laga saxiixo ineysan dib dambe u arkeyn maadama loo arkayo inuu halis ku yahay bulshada uu la nool yahay, waxeyna ka welwelshey wuxuu ku dambeyn doono mustaqbalkeeda hooyonimo. Bilo ka dib Qaroofey waxaa ku soo baxay uur, waxaana lagula taliyey ilmaha ay dhaleyso iney noqonayaan kuwo wax badan ay maskaxdoodu wax u dhiman yihiin, sidaas daradeedna ay uurkeeda inta uu bilow yahay soo dhameystirto dhamaadkiisa. Xaalka wuxuu ku dambeeyey Qaroofey in uurkeedu sii ambaqaado, ugu dambeystiina waxey dhashay will ay u bixisay Cadow-Mooge.

Cirleef oo ka walaacsan ilmaha qaroofey ay dhaleyso iney mustaqbalka wataan qatartooda ayaa garwaaqsaday inuu dhalmadeeda ku sameeyo ka hortag. Qaroofey oo ka soo kabatay dhibkii dhalmada ayaa waxaa u yeeray Cirleef, waxaana kulankooda goobjoog ka ahaa Xaayow. Cirleef wuxuu u sheegay Qaroofey in la soo gaarey xiligi runta loo sheegi lahaa, wuxuuna u cadeeyey waxyaabaha la soo guboonaadey nolosheeda inuu talooyinkooda wax badan ku lahaa. Wuxuu u xaqiijiyey in dilka ninkeeda Xalne ay iyadu sabab weyn ku lahayd kadib markii ay ka dhego adeegtay fariimaha sida dadban loogu soo gudbiyey. Cirleef wuxuu u sheegay Qaroofeey in sannadka soo socda ay ka soo wareegtey 16 sano kadib markii ay weysey ninkeeda, wuxuuna intaas u raaciyey inuu si dulqaad leh u sugayey sannoyinkaas badan inuu hanto naagnimadeeda. Wuxuu u sheegay in la soo gaarey wakhtiga sida rasmiga ah loogu guurin lahaa, isagoo u soo bandhigay hanti fara badan oo ku baxday haynteeda iyo daryeelka caruurteeda.

Cirleef wuxuu ku yiri Xaayow oo goobta fadhiyey sannadka soo socda waxaa laguu mehrin Qaroofey, waxaadna qaadeysaa masuuliyad culus oo lagaala shaqeynayo. Qaroofey oo aysan hadalkeedu badneyn, kana gaabsaneysey iney u muuqato qof ka abaaldhaceysa wixii loo qabtay, ayaa hadalkeedi ku gaabsatay ineysan dooneyn nin qosol badan oo qiyaano badan ay ku duugan tahay. Cirleef ayaa u sheegay qaroofey in Xaayow wax badan laga soo bedeley oo la soo tumay, heshiiskuna uu yahay in Qaroofey qaarkeeda kore Xaayow loo hibeeyey, qeybta hoosana ay Cirleef keligiis u tahay keyd. Wuxuu kaloo ku wargeliyey Qaroofey in Kudkude oo aysan jecleyn wejigiisa uu ku xiran yahay madaxda sare ee dalkiisa oo sida loo maleynayo uusan ku shaqeyneyn maslaxada kooxda uu tababaro iyo kuwa uu asal ahaan ka soo jeedo,waana nin u tababaran dhalanroga iyo kala dhantaalida jiilalka midnimo doonka ah.

Cirleef wuxuu ugu bishaareeyey Qaroofey in wiil dhan walba ka dhameystiran uu ka dhalan doono abaabulka arooskeeda, wiilkaas oo magaciisa la yiraahdo Dulcad-Duceysane, kaas oo quruxda iyo jooga Qaroofey kaa raaci doona, Cirleefna midabka iyo maskaxda ka qaadan doona. Qaroofey waxaa kaloo loo cadeeyey in marka uu hano qaado Dulcad-Duceysane, in isaga lagu wareejin doono sanduuqa ay amaanada ugu dhiibatey Cirleef, waxaana loogu hambalyeeyey in markaas kadib ay Xaayow iyo Cirleefba ka maarmi doonto oo wiilkeedu dhan walba uu ka kafaalad qaadi doono inta ay nooshahay. Cirleef wuxuu Qaroofey si qanacsanaan leh uu ugu qalbi-qaboojiyey inay ka nasan doonto dhibaatooyinkii ay kala soo kulantay ilmaheeda maanlaaweyaasha ah, wuxuuna sidoo kale ku baraarujiyey Qaroofey runta ah in sababta Xaayow loogu dooray ay tahay inuu guto waajibkiisa saaran oo ah inuu buuxiyo booska waalidnimo inta Dulcad-Duceysane ka hano qaadayo oo weliba isaga naf ahaantiisu uu door wanaagsan ka qaadan doono barbaarintiisa iyo tababaridiisa inkastoo si gaara xuquuqdiisa ay u saaran tahay inuu u dhameystiro Xaayow oo ah Aabaha maxlalka ah.

Xaayow oo la dhacsan sheekada ayaa codsaday in nikaaxa Qaroofey ay marqaati ka noqdaan shan oday oo ehelkeeda ah, kuwaas oo kala ah: Shigshig, Shidane, Sheegow, Shibane, iyo Shuuriye, wuxuuna sidoo kale codsaday in odeyaashaas ay ku soo bandhigaan dabaaldega arooska Qaroofey kooxaha gaada-ka-ciyaarka iyo indho-sarcaadka ku caanbaxay dhankooda. Waxaa lagu balamay dhoolatuska la dhigi doono sannadka 16ka iyo sidii loo fulin lahaa qorshahaaas oo dhameystiran. Inkasto Xayow uu aad ugu qanacsan yahay sida Qaroofey loogu maxlalay, wax shakiyana uusan ka qabin in qorshuhu u dhaco si ka duwan sida loogu tala galay ayuu u tabaabusheystay sooryeynta xigaalada Qaroofey. Sidaas si ka duwan ayaa waxaa muujinaya Cirleef oo ay si isdaba jooga u soo gaarayaan xog aan loogu talogelin inuu ogaado Xaayow, waxaana Cirleef niyadiisa ku weyn walaac uu ka qabo Qaroofey waxa ay la imaan doonto arooskeeda, wuxuuna cabsi ka qabaa in dooqa Qaroofey oo aan la saadaalin karin uu ka dhalan karo isbedel lama filaan ah, wuxuuna Cirleef ku yiri saaxiibadiis hadal uu quus ka muuqdey oo ahaa bal aan dhowrno sida wax u dhacaan.

F.G: Sheekadaan waa mid cabireysa xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya. Dhulka Soomaalida qariidadiisu waa qalqaloocan tahay sida Qaroofey. Sheekadaan meel walba waxey taabaneysaa dareen siyaasadeed, waxaana rabaa inaan hal meel oo keliya ka iftiimiyo inta kalana aan u daayo iney fasiraan waxgaradka fahamsan meesha loo socdo. Qaroofey qaarkeeda kore wuxuu cabirayaa dowladnimada dalka, qaarkeeda dambana wuxuu ka turjumayaa kheyraadka dalka. Cidii garaneysa dareenka ku duugan sheekadan inta uu gaarsiisan yahay garaadkiisu ha u soo gudbiyo dadka fasirkiisa.

.

Dr. Saciid Ciise Maxamud(SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment