3795 Views

Shirka Wada tashiga ee doorashada 2016 oo ka bilowday Gobollada dalka

____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 16, 2015 — Shirka wada tashiga ee looga arrinsanayo habka doorashada dalka ka dhici karta sanadka 2016 ayaa ka bilowday magaalooyinka maamul goboleedyada dalka, iyadoo shirarkan lagu uruurinayo fikradaha shacabka.

Madasha Wada tashiga heer Qaran oo bishii hore lagu aas aasay magaalada Muqdisho ayaa waxaa xubno ka ah Madaxda dowladda, Madaxda Maamul goboleedyada, Xukuumadda, Baarlamaanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana ay ka arrinsan doona qaabka doorasho ee dalka ka dhici karta sanadka 2016.

Wadatashiyada heerka gobol iyo heerka dowlad-goboleed waxaa lagu qaban doonaa laba maalmood gudahood waxayna ka dhacayaan magaalooyin kala duwan sida Muqdisho, Baydhaba, Kismaayo, Garowe iyo Cadaado si loo gorfeeyo noocyada doorasho ee suurto galka ah, kuwaas oo laysku raacay marki la joogay shirweynihi koowaad ee Madasha Wadatashiga Qaranka ee ka dhacday Muqdisho bishii lasoo dhaafay.

Maalinimadii shalay ayaa waxay wada tashiyada ka bilowdeen magaalooyinka Cadaado oo xarun KMG u ah Maamulka Galmudug iyo magaalada Baydhabo oo sidoo kale xarun KMG u ah Maamulka Koofur Galbeed, waxaana shirarkaas furay Madaxweyaasha labada maamul.

Sidoo kale waxaa iyana maanta la filayaa in shirarkaas kuwa la mid ah inay ka furmaan magaalooyinka Garowe, Kismaayo iyo Muqdisho.

Qaban qaabada shirka wada tashiga ayaa saaka ka socota magaalada Garowe, waxaana ka qeyb geli doona Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Shirarkan ayaa lagu uruurin doonaa aragtiyada ku aadan nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2016, waxaana la filayaa inay ka soo baxaan shirarkaas war murtiyeed looga hadlayo nooca doorasho ee dalka ka dhici karta.

War murtiyeedyada iyo aragtiyada ka soo baxa shirarka wada tashiga ayaa waxaa lagu soo bandhigi doonaa shirka ka dhici doona magaalada Muqdisho bisha December, kaasoo ay isugu imaan doonaan Madasha Wada tashiga heer qaran.

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment