4164 Views

Guddi xaqiiq raadin ah oo Dowladda u direyso degmada Beled-Xaawo

Guddi xaqiiq raadin ah oo Dowladda u direyso degmada Beled-Xaawo
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 17, 2015 — Guddi xaqiiq raadin ah ayaa maanta u ambabixi doona degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo, iyadoo guddigan ay ka kooban yihiin Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Gudigaan ayaa qiimeyn ku sameyn doona inta uu la eg yahay dhulka ay Kenya ku soo xadgudubtay iyo qaabka uu u socdo dhismaha ay kenya ka wado xuduuda.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa sheegay in wafdigan xaqiiq raadinta ah ee maanta tagaya Beled-Xaawo ay u kuur gali doonaan xaaladaha dhabta ee ka jirta Xuduuda iyo Darbiga la sheegayo oo Dowlado ay rabto in hada ay wax ogaato.

Xildhibaan Maxamuud Cali Magan oo xubin ka ah wafdiga ayaa sheegay inay kormeeri doonaan xuduuda, waxaana uu xusay in wixii ay meesha ku soo arkaan u gudbin doonaan Baarlamaanka iyo Xukuumadda.

Yuusuf Maxamed C/qaadir oo ah Gudoomiyaha Beled Xawo, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay joojisay maalmihi dambeeyay, howlihii calaamadeynta oo ka waday xadka, waxaana uu tilmaamay in sabata ay u joojiyeen ay tahay markii ay si aad ah uga qeyla dhaamiyeen mas’uuliyiinta iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in Kenya aysan ka taansulin damaceeda dhul ballaarsiga ku saleeysan, isla markaan ay dhici karto inay dib u billaabi doonto arrintan hadii laga seexdo.

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment