3993 Views

Madaxweynaha oo Dubai uga qeyb galaya Shir Ganacsiga ku saabsan

Madaxweynaha oo Dubai uga qeyb galaya Shir Ganacsiga ku saabsan
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 17, 2015 — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dubai ee dalka Isu-tagda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha ayaa wafdigiisa ayaa magaalada Dubai uga qeybgalaya shirka Madasha ganacsiga caalamiga ah ee sanadka 2015 “Global Business Forum 2015 “oo ay qabanqaabisay rugta ganacsiga iyo warshadaha Dubai, kaasoo maanta ka furmaya magaaladan Dubai isla markaana socon doona muddo laba maalmood ah.

Madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shirkan ka jeedinaya khudbad ku aaddan ganacsiga Soomaaliya iyo sida ay dalka muhiim ugu tahay maalgashi lagu sameeyo si uu sare ugu kaco dhaqalaheeda iyadoo sidoo kalena ay khudbado ka jeedinayaan madax uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Ruwanda, Pol Kigame.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar,wasiiru dowlaha madaxtooyada mudane Mahad Maxamed Salaad iyo masuuliyiin kale.

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

WhatsApp

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment