9111 Views

WAR DEG DEG AH: Wariye Axmed Xasan Cawke oo geeriyooday

WAR DEG DEG AH: Wariye Axmed Xasan Cawke oo geeriyooday
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 17, 2015 — Waxaa Magaalada Jig-jiga ee Ismaamulka Soomaalida dalka Ethiopia ku geeriyooday, Allah u naxariistee Wariye Axmed Xasan Cawke, oo kamid ahaa Wariyaashii ugu caansanaa Soomaaliya.

Farxaan Maxa’ed Jimcaale, oo kamid ah Wariyaashii ay isla soo shaqeeyeen ayaa xaqiijiyay Geerida Axmed Xasan Cawke, waxaana uu sheegay Farxaan in Cawke u dhintay Wadno xanuun.

Allah u naxariisto Cawke wuxuu shaqadiisa Sxaafadda ka billaabay 1972 Radio Muqdisho, Idaacadda Dowladda, isagoo burburkii kadibna ku biiray BBC Somali oo Mudo kasoo shaqeeyay.

Cawke, wuxuu ahaa nin magac weeyn ku leh saxaafada Qaranka iyo mida dibada intaba. Allah u naxariisto Axmed Xasan Cawke, Jannadina Allah ka waraabiyo.

 

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment