5055 Views

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Axmed Xasan Cawke

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyay geerida Weriye Axmed Xasan Cawke
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 17, 2015 — Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee wariyaha caanka ah Axmed Xasan Cawke oo xalay ku geeriyooday magaalada Jig-jiga.

Wasiir Maareeye oo ku sugan dalka Kuwait, isla markaana la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Allaha u naxariistee Marxuumka uu waxbadan u soo qabtay intii uu ku guda jiray mihnadda saxaafadda, waxaana uu ehelada, asaxaabta iyo Ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay geerida ku timid.

“Anigoo ku hadlaya magacayga iyo magaca Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska waxaan tacsi u dirayaa wariyihii weynaa ee Soomaaliyeed oo taariikh fiican oo weyn ku leh Wasaaradda Warfaafinta Axmed Xasan Cowke, Alle ha u naxariisto qoyskiisa iyo ehelkiisana Samir iyo iimaan Alle haka siiyo”.ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray “Axmed Xasan Cowke waa (wuxuu ahaa) wariye weyn, barnaamij soo saare weyn, oo ummadda Soomaaliyeed ay aad u jecleyd, qaabka uu u gudbiyo xogaha iyo wararka uu ka gudbin jiray Raadiyo Muqdisho”

Marxuumka waxa uu ka mid ahaa suxufiyiinta caanka ahayd ee ka soo shaqeeyay Radio Muqdisho iyo Telefishinka Qaranka, isagoo lagu xusuusto barnaamijyo iyo warar uu ka akhriyay Warbaahinta Qaranka, waxaana uu ka soo shaqeeyay hay’ado kale oo ay ka midyihiin BBC-da, Laanta afka Soomaaliga ee VOA iyo kuwa kale oo maxal

Halkan ka dhageyso Tacsiyada Wasiirka

 

 

 

.

———————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment