8109 Views

Xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayey Amb. Maxamed Mukhtaar Beeleey iyo dardargelinta siyaasada golaha isbedel doonka qowmiyada banaadiriga oo ka dhacday Columbus, Ohio.

Xaflad weyn oo lagu soo dhaweynayey Amb. Maxamed Mukhtaar Beeleey iyo dardargelinta siyaasada golaha isbedel doonka qowmiyada banaadiriga oo ka dhacday Columbus, Ohio.
____________________________________________________________________________

November 17, 2015 | COLUMBUS, OHIO – Caawa waxaa magaalada Columbus, Ohio ka dhacday kulan balaaran oo ay ka soo qeyb galeen jaaliyada Soomaalida ee Columbus Ohio oo si weyn loogu soo dhaweeyay Ambassador Maxamed Mukhtaar Beeleey oo ah rugcadaa si weyn looga yaqaano wadanka Soomaaliya, rugcadaaga ayaa warbixin gaar ah siiyay jaaliyada Bnaadiriga ee Columbus Ohio isagoo si weyn ugu dheeraaday isbedel doonka qowmiyada banaadiriga .

Xafladaan caawa ka dhacday Columbus, Ohio ayaa waxaa sidoo kale dadkii ka soo qeyb galay isagu jireen waxgarad, siyaasiyiin, aqoonyahano, culamaudiin, iyo gancasato iyo qoqmiyadaha kala duwan sida Somali Bantu, Jareerweyne, iyo qowmiyada reer Baraawe oo si weyn u soo dhaweyay dardargelinta siyaasada golaha  isbedel doonka qowmiyada Banaadiriga ee uu soo bandhigay Amb. Maxamed Mukhtar Beelleey, jaaliyadahaan kala duwan ayaa taageeray dhaqdhaqaaqa siyaasada banaadiriga sidii xaqooda ku heli lahaayeen.

Xafladaan oo dadkii ka hadlay halkaan laga soo koobi Karin ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ka hadlay Mudane Shariif Ali oo si weyn uga hadlay xadaarada qowmiyada banaadiriga iyo halgankii gobonimo doonka doorka ay ka ciyaareen. Shariif Cali ayaa sidoo kale farta ku tilmaamay cadaalada darada Soomaalida ee waxa loogu yeero 4.5 oo ah nidaam khaldan oo aan Soomaaliya ka shaqeyn Karin.

Xafladaan ayaa ugu danbeyntii waxaa ka hadlay Mudane Maxamed Mukhtaar Beeleey isagoo ku dhiirageliyay inay qowmiyada banaadiriga iyo qowmiyadaha kale kusoo noqdaan wadankooda kana qeyb qaataan dib u dhiska wadanka iyo isbedelka ka dhici doona Soomaaliya siyaasda 2016 la jaan qaadaan.

Mudane Beelley ayaa balan qaaday inuu dhabarka u xeran doono asaga iyo guddigiisa isbedeldoonka oo uu gudoomiye ka yahay Lufti Shariif  Maxamed iyo Cumar Shariif Jeeg inay xaqa qowmiyada banaadiriga u mari doonaan wado walba oo wanaag ku jirto.  Sidoo kalena  jaaliyada banaadiriga meel walba ay addunka ka joogaan ugu tegi doonaan kana dhaadhicin doono inay si weyn u taageeraan mabda’a isbedel doonka qowmiyada banaadiriga.

 

Mudane Maxamed Mukhtar Beelley ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay isagoo la dardaarmay shacbiga Soomaaliyeed meel walba oo ay adduunka ka joogaan inay ku taageeraan xuquuqda walaalahooda banaadiriga sideey ku heli lahaayeen.

banaadiri-Kulan-columbus-15

banaadiri-Kulan-columbus-1 banaadiri-Kulan-columbus-2 banaadiri-Kulan-columbus-3 banaadiri-Kulan-columbus-4 banaadiri-Kulan-columbus-5 banaadiri-Kulan-columbus-6 banaadiri-Kulan-columbus-7 banaadiri-Kulan-columbus-8 banaadiri-Kulan-columbus-9 banaadiri-Kulan-columbus-10 banaadiri-Kulan-columbus-11 banaadiri-Kulan-columbus-12 banaadiri-Kulan-columbus-13 banaadiri-Kulan-columbus-14

 

 

.

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment