3636 Views

Shirka ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay

Shirka ku saabsan waxyaabaha ka dhaqan galay New deal oo la qabtay
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 18, 2015 — Shirkaan oo looga hadlayey waxyabhii ka qabsoomay barmanijka new Deal iyo caqabaha ka horyimid ayaa maanta lagu qabtay magalada Muqdisho, waxaana ka qayb galay Ra’isalwasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte Wasiirro ka tirsan Xukumadda, xubno ka socday maamul gobooleedyada dalka ka jira iyo wakiillo matalayey deeq bixiyasha caalamka.

Shirka oo ah mid bille oo bishiiba mar la qabto ayaa manta lagu meelmariyey mashruuc ah in Bankiga Adduunka uu dowladda Soomaaliya ka gacan siiyo bixinta musharaadka shaqalaha iyo tageeradda kale ee la xariira bixinta Qarashaadka ay dowladda Soomaaliya sameyso.

Ra’iisulwasaare ku-xigeenka Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo shirka kadib la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in shirka looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ugu horeyso waxyaabaha ka dhaqan galay New Deal.

“Shirka waxa uu ku saabsanaa New dealka, gaar ahaan wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, runtii shirka waa mid bile ah, waxaana iska xogwareysanay waxyaabihii qabsoomay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku-xigeenka oo hadalkiisa ku daray in shirkii maanta lagu meelmariyay mashruuca bixinta qarashaadka dowladda oo horey Norway u bixin jirtay oo iminka lagu badalay bankiga Adduunka.

Dhinaca kale Ra’iisalwaasare ku xigeenka dalka ayaa kulan la yeeshay wakiilo ka socday hay’addaha calamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya, kaasi oo looga hadlayey sidii dowladda iyo hay’addahu u yeelan lahayeen wada shaqayn iyo samaynta xeerka dowladu ay kula xisaabtamayso hay’addaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah, si loo hubiyo waxyaabaha ay dalka ka qabtaan.

“Shirkan waxa uu ku saabsanaa, sidii wada shaqeyn loola sameyn lahaa hay’adaha samafalka ee maxaliga iyo kuwa caalamiga ah, waxyaabaha ay qabanayaan ay noqdaan mid muuqda, wada shaqeynta in labada dhinac la sii xoojiyo oo dhanka dowladda iyo hay’adaha samafalka ah, waxaana wadnaa sharci ku saabsna sidii hay’adaha samafalka loogu sameyn lahaa xeendaab ama sharci u howlyareeya waxa ay qabanayaan” ayuu yiri Mudane Maxamed Cumar Carte.

1286786105

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment