5550 Views

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay dhiggiisa Kuwait

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay dhiggiisa Kuwait
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 18, 2015 — Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxmaed Cabdi Xayir Maareeye iyo wafdiga uu hogaaminayo oo howlo shaqo ku jooga dalka Kuwait  ayaa xalay fiidkii kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kuwait, ahna wasiiru dowlaha arrimaha dhallinyarada  ee dalka Kuwait  Salmaan Sabaax Alsaalim Alxamuud

Labada wasiir ayaa kulankooda diiradda ku saaray xiriirka u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah ee Kuwait iyo Soomaaliya iyo iskaashiga labada wasaaradood ee warfaafinta Soomaaliya iyo Kuwait.

Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska  Mudane Maxamed Cabdi xayir Maareeye ayaa wasiirka warfaafinta Kuwait uga mahad celiyay  casuumaadda iyo soo dhoweynta wanaagsan.

Wasiirka oo  wareysi siiyay warbaahinta Qaranka, ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay dhigiisa Kuwait uu ahaa mid miro dhal ah, isagoo intaa ku daray in ay rajeynayaan  in dowladda Kuwait wax badan ka caawin doonto Soomaaliya.

Kulanka Wasiir Maareeye la yeeshay dhiggiisa Kuwait, waxaa goob joog ka ahaa  agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddow iyo Agaasimaha Telefishanka Qaranka Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Alcadaala , mas’uuliyiinta saraaradda Soomaaliya ee Kuwait iyo mas’uuliyiin kale oo wasiirka ku wehliya booqashadiisa Kuwait.

CUBo6g4UkAAKAatCUBo6g2UYAA6pYo

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment