3840 Views

Ethiopia oo Ahlusunna ka furatay, Guuled-na la heshiisay

Ethiopia oo Ahlusunna ka furatay, Guuled-na la heshiisay
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 19, 2015 — Warar na soo gaaray ayaa sheegayaa in Ethiopia ay ku amartay Madaxweynaha Maamulka Ahlu Sunna Sheekh Maxa’ed Shaakir inuu ka tanaasuli sheegashada Madaxweynaha Gobolada Dhexe, islamarkaana si deg deg ah uu ugu biiro Maamulka Galmudug.

Sheekh Shaakir oo la dul-dhigay Amarro ay kamid yihiin in ay Hubka & Magaalooyinka haystaan ku wareejiyaan Maamulka MD C/kariin Guuled.

Ethiopia ayaa u sheegtay Sheekh Maxa’ed Shaakir in ay u aqoonsatahahay Maamulka Galmudug Maamulka kaliya ee ka taliya Gobolada Galgaduud & Koonfurta Mudug, balse aysan aqoonsanayn Maamulka Ahlu Sunna.

Waxaa isna looga yeeray Addis Ababa Madaxweyne C/kariin Guuleed oo Ujeedka safarkiisu ahaa in Ethiopia uu u adeegsado sidii Ahlu Sunna meesha looga saari lahaa, Maamulkiisana loogu baahin lahaa Deegaanada loo doortay ee uu matalo.

Ahlu Sunna ayaa ah awoodda kaliya ee hadda hortaagan Galmudug inay shaqeyso, waxaana ay haystaan dhul ballaaran oo ay kamid tahay Caasimadda Maamulkaasi ee Dhuusamareeb.

Waxad mooda in Dowlada Ethiopia ay ayadu maamusho Somalia, wana waxyaaba ay bulshada somaaliyeed aqbali la’adahay.

 

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment