6225 Views

Wafdigi tegay xuduudka Kenya- Soomaaliya iyo wixi ay arkeen.

Wafdigi tegay xuduudka Kenya- Soomaaliya iyo wixi ay arkeen.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 19, 2015 — Gudiyo isku dhaf ah ee uu hogaaminayo Wasiirka Difaaca oo ay wehliyeen Guddiyada Baarlamaanka ee difaaca, Arrimaha Gudaha, Guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo federaalka, saraakiil iyo khubaro, maamulka Jubbaland ayaa booqasho ku tagay degmada Beled-Xaawo, iyagoo kormeeray xuduuda Soomaaliya iyo Kenya.

Gudigaan ayaa u kuur galayey xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada ay cabashooyin ka soo gudbiyeen shacabka deggan ee magaalooyinka Beled-Xaawo iyo Doolow ee gobolka Gedo oo la xiriirta arrimaha xuduudka Soomaaliya iyo Kenya.

Wafdigaan ayaa sheegay inuusan jirin derbi laga dhisay xuduudda, isla markaana aysan soo arkin caalamad xuduudeed la beddelay.

Sidoo kale Guddigan waxay sheegeen inay arkeen in la qoday god qiyaastii dhan 1.6 mitir oo dhinaca Kenya ku yaalla oo u jira 6 mitir calaamadda xuduudda, iyadoo dherarka godkaasi dhan yahay illaa 700 oo mitir, iyo in duleedka magaalada Beled-Xaawo ay ku arkeen waddo la xaaray oo cago-cagaf la mariyey.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ahaa wafdiga oo la hadlay VOA ayaa sheegay in dhulka aysan cidna lahayn ee Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo tuhun abuuri kara. Waa loo baahanyahay in laga foojignaado.

xul-saw-7

xul-saw-9

xul-saw-10

xul-saw-3

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment