672 Views

11 carruur indhooleyaal ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul ay dhiganayeen

11 carruur indhooleyaal ah oo ku dhintay dab ka kacay iskuul ay dhiganayeen
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Booliiska dalka Uganda ayaa baaraya sababta eentay dab ka kacay iskuul ay wax ku bartaan arday aragga naafo ka ahaa, kaas oo ay ku dhinteen 11 gabdhood oo da’doodu u dhaxeyso 4 ilaa 13 sano jir.

Dabka ka kacay Iskuulka Indhoolayaasha ee Salama oo ku yaalla bartamaha degmada Mukono ee dalka Uganda ayaa kacay wax yar saqdii dhexe ee Isniintii, waxaana dabkan uu ka kacay qeyb ay ku sugnaayeen 17 carruur ah.

Ku xigeenka afhayeenka booliska Kampala Luke Owoyesigire ayaa sheegay in booliisku ay geeyeen koox sameysa baaritaan , kuwaas oo sameyn doona baaritaanno dhinaca DNA kahor inta aan meydadka carruurta dhintay lagu wareejin qoysaskooda.

“Sababta dabkan hadda lama garanayo. Laakiin illaa hadda, 11 dhimasho ah ayaa la xaqiijiyay, halka lix kale ay xaaladoodu liidato,” ayuu yiri Owoyesigire.

Dugsiga Salaam ee indhoolayaasha, oo ku yaala magaalada Kisoga, ayaa hoy u ah 70 carruur ah oo aragga naafa ka ah.

Hudson Kiyaga oo ah duqa magaalada ayaa VOA u sheegay in dabka ka kacay dugsiga uu argagax ku abuuray bulshada deriska la ah.

Kiyaga waxa uu sheegay in halka laga damiyo korontada iskuulka ay ku dhexl yaallay qolka maamulaha, balse aysan garaneyn waxa dabka dhaliyay. Maamulaha ayaa ka badbaaday dabka, balse ma aysan awoodin inay badbaadiyo ardayda.

Dabkan ayaa kacay dhowr maalmood kahor booqasho la qorsheeyay oo ay ku tagi lahaayeen iskuulakan Princess Anne oo ah gabar la dhalatay boqorka Ingiiska iyo marwada koowaad ee Uganda, Janet Museveni.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post