5802 Views

Agaasimaha Radio Muqdisho oo la kulmay agaasimaha Wakaaladda Wararka Kuwait

Agaasimaha Radio Muqdisho oo la kulmay agaasimaha Wakaaladda Wararka Kuwait
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 20, 2015 — Agaasimaha Wakaaladda Wararka dalka Kuwait Sheikh Mubaarak Aldiceyk, ayaa xafiiskiisa magaalada Kuwait ku qaabilay agaasimaha Radio Muqdisho Cabdiraxiim Ciise Caddo woo uu wehliyo la taliyaha wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif.

Agaasime Cabdiraxiim iyo Nadiif, ayaa qeyb ka ah wafdi uu hor kacayo Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka & Dalxiiska mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kuwait.

Labada agaasime waxa ay kulankooda kaga hadleen sidii ay warbaahinta Kuwait  iyo Soomaaliya isaga kashan lahaayeen  isdhaafsiga Wararka, Barnaamijyada iyo sawirrada.

Agaasimaha Radio Muqdisho, Isagoo ka wakiil ah agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA waxa uu agaasimaha wakaaladda Wararka Kuwait kala hadlay  diyaarinta heshiis dhex mara labada wakaaladood ee KUNA iyo SONNA, si loo xoogjiyo iskaashigooda iyo warar ioy khibrad is dhaafsigooda.

Sheikh Mubaarak Aldiceyj, agaasimaha wakaaladda Wararka Kuwait, ayaa sheegay in ay muhimmad gaar ah leedahay in iskaashi dhex maro hay’adaha warbaahineed ee Kuwait iyo Soomaaliya.

Kulanka labada agaasime waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, agaasime ku xigeenka, dhanka maamulka, maaliyadda iyo xiriirrada wakaaladda wararka Kuwait mudane  Cabdulxamiid Malik.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment