3405 Views

Ra’isul Wasaaraha Dalka oo Tababar Beydhabo Ugu Soo Xiray Ciidamo Ka Tirsan Daraawiishta

____________________________________________________________________________

koong-620x264

Moqdisho, November 20, 2015 — Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay tababar ugu soo xiray ciidan ka tirsan boliiska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa daraawiishta ee maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya oo tiradoodu ahayd 350 askari oo  dufcada labaada ah islamarkaana halkaasi tababar ugu socday mudooyinkii ugu dambeeyay.

Munaasabaddii xirtaanka tababarkani ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Sooomaaliya, madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ee Soomaaliya, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi.

Ra’isul wasaaraha oo munaasabadaasi ka hadlay ayaa ku ammaanay ciidamadaasi sida tababarka ay uga faa’ideysteen, waxaana uu u balanqaaday in dhawaan Xukuumadda ay u soo dhameystiri doonto agabka ciidan ee ay u baahanyihiin, waxaana ciidamada Amisom uu ku ammaanay sida mar walbo ay u garab taaganyihiin Ciidamada Qalabka Sida iyo sida quruxda badan ay u tababarayaan.

Dhinaca Kale Ra’isul Wasaaraha iyo madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed ee Soomaaliya ayaa kormeeray xaruumo Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka fulineyso mashaariicyo horumarineed oo qaarkood la fuliyay, iyadoo Ra’isul wasaaraha uu ammaanay dadaaladaasi dib loogu dhisayo xaruumaha danta guud.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment