3633 Views

Shariif Xasan oo lacag badan ka helay Midowga Yurub.

Shariif Xasan oo lacag badan ka helay Midowga Yurub.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 20, 2015 —Wafdi uu hoggaaminayay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ee uu la socday Wasiirka Qorsheynta Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdigaan ayaa kulamo ay la qaateen madaxda maamulkaasi kadib ku wareejiyay Maamulka Koofur Galbeed deeq lacageed oo gaareeyso $12 milyan maamulka, taas oo lagu qabanayo Mashaariic lagu taageerayo in ka badan 200,000 oo qof oo ah dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Koofur Galbeed Cabdi Naasir Caruushe oo kulanka kadib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ay isla hubin doonaan hanaanka loo adeegsado lacagtan iyo in lagu qabtay wixii loogu talagalay.

Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyay deeqda lacageed ee ay ugu talagaleen dadka dan yarta ah ee ku nool maamulka Koofur Galbeed.

u qaabilsan Soomaaliya oo sidoo kalena uu la socday Wasiirka Qorsheynta Qaranka Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhaba ee xarunta Gobolka Baay.

Wafdiga ayaa kulamo ay la qaateen madaxda maamulkaasi kadib waxaa ay deeq lacageed oo $12 milyan oo doollar ah ku wareejiyeen maamulka Koofur Galbeed taas oo lagu qabanayo Mashaariic lagu taageerayo in ka badan 200,000 oo qof oo ah dadka danyarta ah ee ku nool halkaasi.

Wasiirka Qorsheynta iyo xiriirka Caalamiga ah ee maamulka Koofur Galbeed Cabdi Naasir Caruushe oo kulanka kadib lahadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheynta Qaranka ee Federaalka iyo Maamulka Koofur Galbeed ay isla hubin doonaan hanaanka loo adeegsado lacagtan iyo in lagu qabtay wixii loogu talagalay.

Waxaa uu Midowga Yurub uga mahad celiyay deeqda lacageed ee ay ugu talagaleen dadka dan yarta ah ee ku nool maamulka Koofur Galbeed.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment