4923 Views

Waxaan ku soo arkay Kalbarema! Qaybtii – 2-aad

Waxaan ku soo arkay Kalbarema! Qaybtii – 2-aad
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 20, 2015 – Kalar Karti Daran, Dadyowga ku Nool Dunida in badan oo ka mid ah,waxa ay qabaan Karti Darro, Karti Darrada waxa ay ku dhacdaa,Shakhsiyaadka leh,Caqli meel dhaxaad ah,ama inyar ka sareeya,Karti  Darradu waxa ay saameeyn ku leedahay: Hadalka,Fahanka iyo Dad la Dhaqanka.

Isbitaalka Kalbarema,waxaan ku arkay Kalkaalisooyin Kalar ah,oo aad moodo Dhaqankooda iyo Hadalkooda in uu ku jiro Cunsuriyad Khaas ku ah Somaalida,balse markii aan baaray waxaan ogaaday,in Dadka dhan dhibka uu qabo,18 – 10 – 2015 Habeen Sabti ah,3:10 am,anoo dhabta ku haya Gabadheeyda oo Qur’aan ku aqrinaya,ayaa waxaa ii soo gashay Kalkaaliso Kalar ah,waxaan ku iri Walaal icaawi Gabadha aad ayeey iga xanuunsaneeysaa,waxaana laga hayaa Caloosha,markaas ayey si Santaag  ah, igu tiri “Baana dhoolka Calooshaan kuu keenaa”anoo la yaaban,Hadalkeeda ayaa waxaa ii soo gashay Dhaqtarad Cadaan ah,waxa ay fahantay in wax iga qaldanyihiin,markaas ayey igu tiri “Papa is dajji aniga waxaan Farxayaa marka aad adiga Faraxdid,adigana waxaad farxeysaa marka Gabadhaada ay kuu Caafimaado,Ilaah waxaan ka baryayaa in ay kuu Caafimaado” Dad waa isku Dad balse kala Karti Badan.

2: Dowlad Dahsoon,markaan arkay qaabka ay Shaqada u ga socoto Gudaha isbitaalka,haday ahaan laheed:dhanka Caawinta Bukaanka,dhanka Kormeerka,dhanka Kaladanbeeynta,dhanka kala warqaadashada,IWM,waxaan is iri waaba Dowlad Dahsoon,in kastoo la iga Da’weynyahay,hadana Shaqo saa u kala socota,waa wax ii dhinaa,Habeen ha ahaato,Maalinsa ha ahaatee, sadaxdii Saacadoodba marbaa la guu imaan,oo Xaaladdaada wax laga ogaani.

3: Dad Daa’imkii Abuuray aan Dareensaneeyn,waligaa Gaal ma la Daristay, oo Qol ma la dagtay?!

Ba’nii aadamka marka ay Dhib Dareemaan,waxa ay u Cararaan ,hadba waxa ay aaminsanyihiin,in uu Dhibkaa wax kala qaban karo, Muslimiinta marka ay Dhib Dareemaan,waxa ay wax weeydiistaan Ilaaha Awoodiisa ay Sara martay.

Isbitaalka Qaybta Caruurta ,waxaa ku jiray wax Muslim ah,Aniga iyo Yar kale oo Somaali ah,iyo Caruurteena,Alxamdu Lillaahi,waan iska Faraxsaneeyn,oo marna waan iska Sheekeysaneynay,marna Caruurta ayaan Qur’aan iyo Adkaar ku Aqrineynay.

Dadoow Diinteenu waa Darajo iyo Daa’im aqoon * Doqontasa ma ogee hala dareensiiyo,

Dadka aan Muslimka eheyn,marka Dhibaato ku timaado,waxa ay maciin bidaan,wax yaabo Eebe Weeyne ka sokeeya,Isbitaalka Kalbarema,Dadka ugu badan ee ka Shaqeeya ama Bukaanka ah,waa Dad aan Ilaahii Abuuray aaminsaneyn,oo Meelo kale Meereysanaaya,waa Dad ay ka muuqato Murugo iyo Meehanow aan Maciin laheeyn,Dadka Gaaladaa badan kood,waxa ay aamin sanyihiin,hadii Ilaah u Nimceeyo,in uu Jecelyahay,hadiisa aan loo Nimceeyn in uu Necebyahay,Haweeneey Madow ah, ayaa igu tiri “Aniga Ilaahey ima Jeclo waayo Horayna waxa uu iiga Dilay Boy Friend kaygii hadana Cunugaa iga Xanuunsan”!, Dadkaa Gaalada ah wax yaabihii ay ku Hadaaqayeeyn waxaa ka mid ahaa: jesus,yooh, ooh, oh no, IWM.

4: Fadhi ku Hurud oo ha Fidsan,waxyaabihii iigu Dhibka badnaa ee Isbitaalka aan ka la kulmay waxaa ka mid ahaa,Jiif la’aan,Habeen iyo Maalinba waxaad ku Fadhin Kursi !,balse  Dhibka ugu badan waxa uu la Darsay,Dumarka Uurka leh iyo kuwa Umusha ah,ee Qaarkood ku Dhalay obareeshinka, Dadka intey Dhibsadeen Kursi ku Hurudka ayey Waqti kasto leeyihiin,Ilaahow mar uun naga saar Meeshaan.

.

La soco Qaybta 3aad ee Maqaalka.

Waxaan ku soo arkay Kalbarema! – Qeybtii – 1-aad

W \Q : Macalin Mukhtaar Sh Cabdiraxmaan “Macalin Dugsi”

E-mail : Kumaatahay@hotmail.com

________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment