3402 Views

Baarlamaanka oo gudagalaya akhrinta labaad ee sharciga maxkamadda dastuuriga

Baarlamaanka oo gudagalaya akhrinta labaad ee sharciga maxkamadda dastuuriga
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 21, 2015 —Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta kulan ku yeelanaya xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, ayaa kaga doodi doona qaraar uu soo diyaariyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka, iyagoo guda gali doono ajanda kale.

Xildhibaan Maxamed Cumar Maxamuud oo ah habdhawraha Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in kulanka maanta ay Xildhibaannada horyaalaan labo ajande oo kala ah qaraar uu soo diyaariyay guddiga maaliyadda ee Baarlamaanka iyo akhrinta labaad sharciga maxkamadda dastuutiga.

“Maanta oo Sabti ah taariikhduna ay ku beegantahay 21 November, waxaa jira kulanka Baarlamaanka, ajanduhu waxa uu yahay ka doodista qaraar guddiga maaliyadda ee baarlamaanka ay soo diyariyeen iyo akhrinta labaad ee sharciga Maxkamadda Dastuuriga, oo ay kalhore soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda, horeyna u maray akhrinta koowaad” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Cumar.

Xildhibaanka ayaa xusay in sharciga maxkamadda dastuuriga uu faa’iido weyn u leeyahay  dalka, isla markaana ay marka la dhiso Maxkamadda Dasturiga ay awood u leedahay inay dhageysato muranada aan waafaqsaneyn waxa ka baxsan dastuurka dalka oo la isku qabto.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment