4560 Views

Kooxo Hubeysan oo La Wareegay Xaafad Ka Mid Ah Baladweyne

Kooxo Hubeysan oo La Wareegay Xaafad Ka Mid Ah Baladweyne
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 21, 2015 — Warar naga soo gaaray magaalada Baledweyne ayaa sheegayaan in wali xaalada magaalada ay kacsantahay ka dib markii Maleeshiyaad Hubeysan ay xirteen wadooyinka muhiimka ah ee magaalada kuwaas oo ka careysan dilkii Madaxii Hay’adda Miino Baarista ee Main Action.

Waxaa kale oo la sheegay in maleeshiyaadka ay la wareegeen Qeybo ka mid ah magaalada,iyadoo sidoo kale magaalada ay buux dhaafiyeen ciidamo taabacsan guddoomiyaha Gobolka Hiiraan C/fitaax Xasan Afrax.

Dadka ku nool Gobolka ayaa ka cabsi qaba in dagaal uu dhexmaro Maleeshiyaadka iyo Ciidamada Taageersan Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo mudo Asbuuc ku dhaw magaalada isku hor fadhiya.

Sidoo kale Magaalada waxaa ka socda Banaanbax looga soo horjeedo Dowladda Federaalka ah ee soomaaliya, taas oo an weli wax muuqda ka qabanin qaska ka taagan Beledweyne.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment