3552 Views

Nicholas Kay oo la bedelayo

Nicholas Kay oo la bedelayo
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 21, 2015 — Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Nicholas Kay ayaa lagu wadaa in bisha soo socoto la bedelo, waxaana Danjiruhu uu dhameystay labo sano oo uu wakiil uga ahaa Soomaaliya Qaramada Midoobey.

Danjire Kay ayaa waxaa u dhamaatay muddo labo sano ah oo ah waqtiga loogu tala galay Mas’uulka hogaaminaya howl galka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, iyadoo horay lix bil oo dheeraad ah loogu daray.

Nicholas Kay ayaa maalmahan safaro ku marayay gobolada dalka, si uu u sagootiyo, waxaana uu kula kulmay magaalada Garowe Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole.

Madaxweyniyihii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen in Danjire Nicholas Kay uu la sii joogo, inta uu ka dhamaanayo sanadka 2016, maadaama uu xusay inuu xog ogaal u yahay barnaamijka geedi socodka siyaasada ee sanadka soo socda la doonayo in doorasho dalka ka dhacdo.

Danjire Nicholas Kay ayaa lagu wadaa inuu bedelo nin ay isku wadan yihiin, kaasoo aan wali la soo magacaabin, waxaana loo badinayaa inuu noqdo Diblomaasi British ah oo horay uga soo shaqeeyay dal Afrikaan ah.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa 29-kii bishii April sanadkii 2013 magacaabay Danjire Nicholas Kay, waxaana uu bedelay danjirihii ka horeeyay Ausgutine Mahiga oo u dhashay dalka Tanzania.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment