4494 Views

Wasiirka Waxbarashada oo u hambalyeysay Macalimiinta Soomaaliyeed

Wasiirka Waxbarashada oo u hambalyeysay Macalimiinta Soomaaliyeed
____________________________________________________________________________

 

Moqdisho, November 21, 2015 — Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare  ee Xukuumadda Soomaaliya  Khadra Bashiir Cali ayaa ugu hambalyeeysay macalimiinta Soomaaliyeed 21 November maalinta macalinka, iyadoo u rajeysay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo baraare.

Wasiirka oo la hadashay Warbaahinta Qaranka ayaa tilmaamay in maanta oo kale ay Ummadda Soomaaliyeed u tahay maalinta ku weyn, maadaama la xusayo maalinta Macalika Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta Soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan, maadaama ay maanta ku beegantahay maalinta macalinka Soomaaliyeed ee 21-November, waxaana u rajeynayaa in sanadkan kiisa kale ku gaaraan horumar, runtii bisha October waxaa jirta maalinta macalinta adduunka, balse anagu waxaan ka doorbidnay in aan maanta oo kale xusno oo ah maalinta macalinka Soomaaliyeed” ayay tiri Wasiir Khadra.

Wasiirka Waxbarashada iyo tacliinta sare  ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wasaaradda ay xoogga saareyso sidii macalimiinta ilgaar ah loogu eegi lahaa, maadaama ay yihiin barbaarinta ubadka Soomaaliyeed.

“Waxaan tahniyad gaar ah u dirayaa macalimiinta dugsiyada Qur’aanka kariimka dhiga oo u ataagan in ubadka ay si wanaagsan ku bar baariyaan oo ay ka dhisaan xagga aqlaaqda, waxaan kaloo tahniyad u dirayaa Macalinta iskuulaadka, kuwa Jaamacadaha iyo macalinka koowaad oo ah Hooyoda,  waayo macalinta waa hogaamiyaha bulshada” ayay hadalkeeda ku dartay.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment