3996 Views

Xildhibaan Dalxa oo digniin culus u diray Dowladda Kenya .

Xildhibaan Dalxa oo digniin culus u diray Dowladda Kenya .
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 21, 2015 — Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo ka mid ahaa xubnihii xaqiiqa raadinta ahaa ee dhawaan gaaray xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayaa si faahfaahsan uga hadlay wixii ay ku soo arkeen goobihii ay booqdeen.

Mudane Dalxa, ayaa sheegay inay si gaar ah u hubiyeen tacdiyada la sheegayay ayna ogaadeen inuusan jirin Darbi si toos ah loo dhisayo laakiin ay arkeen Godad waaweyn oo ay Kenya qoday. “Ma jirin Gidaar taagnaa ama aasaas Darbi oo la bilaabay, laakiin waan aragnay dhul la dooxay oo u dhaw Calaamadihii isticmaarku dhigay xadka” ayuu yiri Dalxa. Xildhibaanka ayaa si dadban ugu digay Dowladda Kenya oo uu sheegay inay si xeeladaysan u boobayso dhul ku yaalla xadka aan dhabta ahayn ee aan la wadaagno Kenya.

Waa markii u horaysay, oo sharaxaad dheeraad ah uu bixiyo , xubin ka tirsan guddiga xaqiiqa raadinta ah ee loo diray xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment