4068 Views

“Bulshada ayaa go’aamin doonto aayaha dalka ee 2016-ka”

“Bulshada ayaa go’aamin doonto aayaha dalka ee 2016-ka”
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 22, 2015 — Madaxweynaha Jamhuuriyaa Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in bulshada Soomaaliyeed ay go’aan ka gaari doonaan aayaha dalka iyo doorashooyinka 2016, isagoo ku baaqy in la adkeeyo midnimada Ummadda.

Madaxweynaha oo shir jaraa’id u qabtay saxaafadda ayaa bogaadiyay wadatashiyadii ka dhacay qaar ka mid ah gobollada ee looga hadlayay aayaha dalka, waxaana uu Madaxweynuhu xusay in bulshada ay yihiin kuwa go’aan ka gaaraya aayaha 2016-ka.

“Labo waddo ayaa noo furan, tan koowaad waxa ay tahay Muqdisho ayaan joognaa ee aan dhahno halkan halagu qabto talada kale ee aayaha dalka oo aan wada gaarno go’aan, tan labaad waxa ay tahay Muqdisho oo kaliya ma ahan dalka, dalka wuu balaaranyahay ee bulshada inteeda kale haloo geeyo talada, oo aan wada gaarno go’aan mid ah, wadatashiga wadada loo marayo haka taliyeen, midda ay u bataana taladeeda iyo go’aan ka gaaristeeda iyo dowladnimada cusub go’aan haka gaareen” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay muhiimtahay ahmiyada ay bulshada u leedahay in ay noqdaan kuwa midnimada ka shaqeeya, waxaana uu intaa ku daray in wadatashiyadii ka dhacay gobolada dalka iyo caasimadda ay muujineyso inay jirto midnimo siyaasadeed.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa, iyo maamulada heer federal iyo heer gobol inaan sii xoojinayo midnimada oo aan hal far wax ku wada maamulno, wixii yar yare e jirana aan u xalino si hoose, amuuraha heer Qaran oo dhan waxaan u wajahaynaa anagoo mid ah” ayuu Madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment