4872 Views

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo saaka ka socda Galkacyo

Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kala taabacsan Puntland iyo Galmudug oo saaka ka socda Galkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 22, 2015 — Dagaal u dhaxeeya Ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Galmudug ayaa saaka ka qarxay magaalada Galkacyo ee Gobolka Mudug, iyadoo dagaalka uu hada xoogiisa ka socdo koontaroolka dhinaca koofureed ee Puntland.

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa markii hore ka bilowday saldhiga dhexe ee Galkacyo, waxaana warar kala duwan ay ka soo baxayaan sababaha dhabta ah ee uu dagaalku ku bilowday.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii la sheegay in xuduuda ay wadaagaan Maamulada Galmudug iyo Puntland ee Magaalada Gaalkacyo oo ay joogeen Ciidamo ka tirsan Puntland ay Weerar ku qaadeen Maleeshiyo hubeysan oo ka soo jeeda Maamulka Galmudug, iyadoo markii dambe ay ku soo biireen Ciidamada Booliska Galmudug.

Labada dhinac ayaa isu adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Mas’uuliyiinta labada maamul, waxaana in muddo ah labada maamul ka dhex taagnaa xurguf siyaasadeed oo ka dhalatay shirkii Cadaado ee lagu dhisay Maamulka Galmudug, iyadoo Puntland ay sheegtay in aysan aqoonsaneyn maamulka Galmudug.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment