3717 Views

Haweeney Gowracday Ninkeedii oo xaalad adag ku jirto.

Haweeney Gowracday Ninkeedii oo xaalad adag ku jirto.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 22, 2015 —  Gabadha lagu magacaabo Fartuun Xuseen Cusmaan, oo maalmo ka hor ninkeeda ku dishay degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, ayaa xaalad adag wajahaysa kadib markii ay reerkeedu soo jeediyeen in cadaalada la hor geeyo Gabadhooda.

Haweeneydaan, oo gowracday ninkeedi, oo lagu magacaabi jiray, Shariif Mukhtaar Gaandi, ayaa la sheegay inay ku jirto gacanta CID-da ayna aad uga qoomamaysay falka ay ku kacday, balse aysan ka laaban karin dambigi ay gashay.

Dad daris la ahaa lamaanaha ayaa sheegay inuu marxuumku dhowr jeer oo hore tilmaamay inay dili doonto xaaskiisa. Marxuumka, ayaa ka gaabsasay in uu cadeeyo sababta uu cabsida intaa la eg u muujiyay, hase ahaatee waxaa si dhab ah u dhacay wixii uu sheegi jiray.

Ugu dambayntii, waxaa la filayaa, in maalmaha soo socda go’aan rasmi ah laga gaaro arinta gabadhaan gacan ku dhiiglaha ah ee dishay ninki qabay.

Arintaan wax ay u taalla Sharciga iyo Qaanuun u degsan wadanka, wana la arki doona wixi ka soo baxa.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment