6315 Views

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Masar oo geeriyooday

____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 22, 2015 — Safiirkii dowladda Soomaaliya u fadhiyay mudada dheer dalka Masar C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Qaahira ee dalka Masar, kadib xanuuno muddo bil ah uu la jiifay.

Danjire C/llaahi Xasan ayaa da’diisu aheyd 72-sano jir, waxaana uu qeyb weyn ka soo qaatay isku xirka diblomaasiyada Soomaaliya iyo Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya ay waysey mid ka mid ah tiirarkii aas-aaska u ahaa diblomaasiyadda.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa wxaaa tacsi loogu diray qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Safiirka.

“Innaa Lillaahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Ilaahay ha u naxariisto marxuumka. Waxaa uu ka mid ahaa tiirarkii aasaaska u ahaa diblomaasiyadda Soomaaliya. Waxaa khibraddiisa u dheereyd dadaal gaar ah oo u ugu adeegayey qaranka muddadii burburka aan ku jirney”ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha.

Danjirihii-Masar

Marxuum Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ku soo biiray howlaha diblomaasiyadda sanadkii 1987,xilligaasi oo loo magacaabay Safiirkii Jamhuuriyadda Soomaaliya ee dalka Algeria .

Sanadkii 1990, waxaa loo badalay, loona magacaabay Safiirka Soomaaliya ee dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ee dalkeena uga wakiilka ah Ururka Jaamacadda Carabta , xilkaasi oo uu hayay tan iyo maanta .

Allah u naxariisto , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud , waxa uu ku matalayay kulamada kala duwan ee Jaamacadda Carabta Magaca Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed muddo dhan 25 sano , isagoo shirgudoomiyay fadhigii heerka Wasiir Arrimo Dibadeed ee Jaamacadda Carabta , wareegiisii 123,aad ee qabsoomay March , sanadkii 2000.

Sanadkii 1996 ,dii waxa uu ku fariistay Kursiga Shir Madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ku qabsoomay Magaalada Qaahira , isagoo matalayay Magaca Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya .

Mudadii qaran burburka dalka uu ka jiray , Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qeyb galay shirarkii dib u heshiisiinta ee kooxihii Siyaasadda Soomaaliya ku loolamayay loogu kala qabtay Magaalooyinka Qaahira , Addis Ababa iyo Carta , xubinnimo Baarlamaan oo loogu doortay Shirkii Carta- Djibouti sanadkii 2000 ayuu ka tanaasulay .

Ambassador Abdullahi Hassan Mohamud oo si weyn ay u yaqaanaan diblomaasiyiinta ,siyaasiyiinta carbeed iyo kuwa Afrika ayaa kahor inta aanu ku soo biirin howlaha diblomaasiyadda , waxa uu ahaa sanadkii 1970 –kii Macallin wax ka dhiga dugsiyada sare ee dalka , iyadoo isla sanadkii 1972 –kii uu sidoo kale Macalin ka noqday Jaamacaddii Ummadda , isla sanadkaasi waxaa sidoo kale loo dalacsiiyay in uu maamule ka noqdo dugsigii Jamaal Cabdinaasir oo ahaa xilligaasi xarumaha waxbarasho ee ugu tayada wanaagsanaa dalka .

Sanadkii 1974- 1976 kii waxaa uu ahaa Iskuduwaha Waxbarasho ee gobolada Mudug, Banaadir iyo Xoghayaha guud ee goobaha waxbarasho ee guud ahaan Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Sanadkii 1981 – kii waxaa loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Jabhadaha .

Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud waxa uu ka qaatay Darajada Licentiate ee Luqadda Carabiga iyo Culuumta Islaamka ,Kulliyadda Dar Al-ulum ee Jaamacadda Qaahira sanadkii 1969-kii .

Marxuum Danjire Cabdullaahi Xassan Maxamuud oo ifka kaga tagay laba xaas iyo 8 caruur ah, ayaa ku dhashay degmada iimeey sanadkii 1943 .

 ——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment