5448 Views

Wasiirka Arimaha Gudaha oo ku baqay in la joojiyo dagaaalka Gaalkacyo

Wasiirka Arimaha Gudaha oo ku baqay in la joojiyo dagaaalka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

 

 

 

Moqdisho, November 22, 2015 — Wasiirka Arimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen , ayaa ka hadalay, shagayn in Dowlada Federalka ay ka xuntahay dagaalka ka curtau Gaalkacyo, kaas oo la sheegayo in 5 qofood oo shacab ah ay ku dhinteen.

Wararka qaar ayaa sheegayaan in dagaalka oo ka billowday bar-koonatrool oo ku taalla Xaafadda Garsoor ee Koonfurta Gaalkacyo, ka dibna wuxuu ku fiday agagaarka Suuqa Xoolaha iyo meelaha shacbiga uu u badnaa.

Wasiirka ayaa ugu baaqay labada maamul in ay si deg deg ah ujoojiyaan dhiilada colaadeed, isla markaana loo turo dadka rayidka ah ee ku dhaqan magaalada Gaalkacyo.

“Dowladda Federaalka aad bey uga xun tahay dagaalkii Gaalkacyo, waxaa ugu baaqayaa Maamulada Puntland iyo Galmudug inay dagaalkaas joojiyaan”ayuu yiri Wasiir Odawaa.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay gogol wada hadal u fidineyso Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug, si wax walba ee jira lagu dhameeyo qaab siyaasadeed.

Illaa todobo ruux ayaa ku geeriyootay dagaal saakay ka dhacay magaalada Gaalkacyo, halka dad ka badan afartan ruux waa ay ku dhaawacmeen.

Dagaalka ayaa ka dhashay muran la xiriira wado laami ah oo ay dhisme ku wadeen Maamulka Puntland, iyadoo wadadaas ay soo gaartay aagga ay maamulaan Galmudug, waxaana kadib ka dhex bilowday is rasaaseyn.

Xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa hada xasilan, waxaana dadka deegaanka ay bilaabeen inay dib ugu soo noqdaan guryahooda, kadib markii saaka ay ka qaxeen, waxaana dhaawacyada ugu badan ay ka dhasheen rasaas wiifto ahaa oo hubkii labada dhinac isu weydaarsanayeen ayaga oo an u aba yeelin dadka shacbiga ee an dagaalka raad ku lahayn

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment