5820 Views

Jaaliyadda Atlanta oo ka qeyb gashay furitaanka safaarada Soomaaliya ee Washington, USA

Jaaliyadda Atlanta oo ka qeyb gashay furitaanka safaarada Soomaaliya ee Washington, USA
____________________________________________________________________________

Atlanta, GA – USA | QOL | November 23, 2015 – Waxa si rasmi ah loo furay Safaaradda Soomaaliyeed ee Magaaladda Washigton ka dib markii ay xirneyd ku dhawaad 24 sano,taa oo ay sabab u aheyd dagaaladii sokeeyey ee ka qarxay Dalka Soomaaliya oo burbur dhan kastaba baday Qarankii Horseedka ka ahaa dawladaha afrika,waxaana Dagaaladaasi laga dhaxlay dhibaatooyin waxyeeleeyey kaabayaasha Dhaqaalaha ,SIyaasadda iyo Arrimaha Bulshadda,waxay ummadda Soomaaliyeed uu u horseeday in ay waayaan aqonsigii Dawladnimo taa oo jahwareer galiyey Ummaddi ku abtirsaneyn Qaranka Soomaaliyeed .

Hadaba,waxyeeladaasi kala dhantaalay jiritaankii Ummadda Soomaaliyeed ayaa waxa uu keenay in Safaraadaha ay Soomaalidu ku leedahay addunweynaha in ay burburaan loona waayey cid arrintaa u istaagta,waxaase nasiib wanaag noqotay in Taarikhdu markey aheyd Nov.18,2015 ay soo bidhaantay hammigii ay Ummadda Soomaaliyeed sugaayeen muddada dheer ka dib markii dib loo dayactiray loona furay Safaaradii Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka uu Safiir nooga yahay AXMED CAWAD oo waqti badan u huray in Calanka Soomaaliyeed mar kale la suro Safaaradeena,taa waxay la mid aheyd  maaliintii aanu xornimadda qaadana ee 1960kii,waxa oohin la qarxaday Ummaddii Soomaaliyeed ee arrintaa markhaatiga ka aheyd,waxa la wada qaaday heestii SOOMAALIYEY TOOSAA,TOOSA ISKU TIIRSADA,waxaana maalintaasi ku tilmaami karaa in aysan marnaba quluubta Soomaalida aysan ka go’eynin.
Waxaana Xafladda Furitaanka ka soo qeyb galay Madax ka socota Safaaradaha Dawladaha Afrikaanka ah,Safaaradaha Carabta,Saraakiil ka socota Dawlada Mareykanka,Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee CANADA IYO USA,waxa kaloo ka soo qeybga lay LINDA THOMAS oo ka socotaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dalka Mareykanka,Xildhibaanka laga soo doorta Magaaladda Mineapolis,Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Jamhuuriyadda soomaaliyeed Mudane Cabdisalaam,waxaana halkaa khudbad taarikhi ah ka jeediyey Safiirka Soomaaliyeed ee USA Mudane AXMED CAWAD isagoo maalintaasi ku tilmaamay maalin ay Ummadda Soomaaliyeed ka soo baxday Mugdi uuna soo baxday in ay wax la qeybsato Ummadda Caalamka,waxa uu sheegay Safiirkeena in ay Ummadda Soomaaliyeed markaan gacmahais qa bsadaan una soo jeestaan dhismaha Wadankooda,waxaana uu halkaa loogu tumay sacab aad uu weyn.
madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Xasan Shekh ayaa waxa uu kaga qeyb galay habka muuqaalka isagoo ku tilmaamay manta waxaan cadeynayaa in dadaalkii Dawladda Soomaaliyeed ay soo gashay aanu mirihiisa guraneyno,waxa uu Ummadda Soomaaliyeed xusuusiyey in Qaranka Soomaaliyeed oo uu baahanyahay in loo huro wax kastaba,waxa kaloo uu sheegay in aqoonsigii ay Dawladda Soomaaliyeed heshay sanadkii 2013 aanuu manta ku naalooneyno waxyaabihii ka soo baxaywaxaa,na uu ballanqaaday in Dawladda Soomaaliyeed ay halkaa ka wadi doonto dadaalka in qarabkeenu uu lugahiisa ku istaagaayo,waxaana uu u mahadceliyey dhamaan Dawladaha dadaalkaasi nala gashay oo ay u horeyso Dawladda Mareykanka iyo shacabkeeda.
Xafladaasi waxa bilay jaaliyadiihii halkaa ka soo qeyb galay oo ay ugu horeeyeen Jaaliyadda Magaaladda Atlanta iyo Virgiinia oo ay ka dhexmuuqdeen halyeeyo Isboortiga oo la yaqaano,waxayna kala ahaayeen;
  1. Inj. Cumar Shkheey…………………………..Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta.
  2. Dr. Cali Cusmaan Cali………………………Gudoomiyaha Isboortiga ee Atlanta.
  3. Aweys Muse (Aweys Fundi)………………Gudoomiye Kuxigeenka Isboortiga ee Atlanta.
  4. Maxamed Suufi Abashekh………………..Ganacsada Magac weyn ku leh Atlanta.
  5. Maxamed Cali Kamoole…………………..Saraakiishii dawladahii hore ee Qaranka Soomaaliyeed.
  6. Inj.cab dulqaadir Caraale…………………Gudoomiye ku xigeen XSCF
  7. khaliif Shire (Khaliif Riiko)………………..Kooxdii kubadda Cagta eeba dda Xulka Qaranka Soomaaliyeed.
  8. Sucaad CabdulaahiMaxamed………….Kooxda Kubadda Koleyga ee Horseed Xulkii Qaranka .
Waxaana ugu dambeyntii wareysi bixiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta oo ay wareysi la yeesheen Telefishinadda ugu afka dheer ee Washington, waxaana uu Gudoomiyaha hadalkiisii ku bilaabay, waxaan soo galnay socod dheer ,waxaana soo gudubnay jiidad, waxaanu soo safarnay inagoo garbaha is haysanosiaan u  ku gaarno hadafkeena,waxaanu guntiga dhiisha isaga dhignay si aanu u sugno jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed, waxaanu raacnay raadadkii Halyeeyadii ummadaan u soo halgantaay, wadaniyadda waa aaladda lagu burburin karo kala qeybsanaanta, waaxan dugsanaa wadiniyadda,waxaan dadka u sheegnaa in qabiilka ay astaantiisu tahay halaag isagoo abuuraayo kala shakin iyo cadaawad aan dhamaaneynin, wadiniyadu ma aha shaqo waqti gaaban ku meelmareyso laakiin waxay u baahantahayin hirgelinteedu lagu mintido, waxa uu Mudane Cumarow uu yiri in ay manta ay noqoneyso mid aanu u gudbino jiilalka soo koraayo isagoo aad iyo aad u amaanay Dawladda Soomaaliyeed iyo Safiirka Soomaalia ee USA Mudane AXMED CAWAD, waxaana uu hadalkiisii ku soo xiray isagoo qiireysan SOOMALIYA  SOOMAALI BAA LEH.
.
.
.
______________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment