7098 Views

Kulan Ay Haweenka Ugu Tashanayeen Sida Ay Uga Qeyb Qaadan Karaan Siyaasada Wadanka.

Kulan Ay Haweenka Ugu Tashanayeen Sida Ay Uga Qeyb Qaadan Karaan Siyaasada Wadanka.
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 24, 2015 — Kulankani wadatashiga ah ee ay so qaban qaabisay wasaaradda haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda soomaaliya islamarkaana ay ka so qeyb galeen wasiirka wasasradda haweenka xildhibaano qaar ka mid ururada bulshada iyo marti sharaf kale  ayas u jeedkiisu ahaa qaabka ay haweenka uga qeyb qaadan karaan hanaanka siyaasadda doorashada ee 2016-ka ka dhici doonta dalka iyadoo ay wasaaraddu soo bandhigtay Afarta hanaan doorasho si ay haweenku uga doodaan.

Qaar ka mid ah ka qeyb galayaasha kulanka  oo u badnaa haween ayaa ku booriyey  ka dowlad ahaan iyo ka haween  ahaa in si mideysan loogu doodo  sidii haweenka Soomaliyeed ay u heli lahayen xaquuqda ay ku leeyhiin siyaasada dalka xili ay bilooyin kooban ka harsan yihiin xiliga kala guurka ee 2016-ka.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye Gudoomiye ku xigeenka gabdhaha baarlamaanka  ku jira ayaa ku boorisay haweenkii ka soo qeyb galay kulanka in ay ka wada shaqeeyaan midnimada una dhaqaaqaan horumarka dalkooda si ay kaalin muuqata uga galaan hanaanka doorashada wadanka.

Markuu kulankaasi soo idlaaday  ayaa wasiirka wasaaradda haweenka iyo horumarinta xaquuqul aadanaha ee dowladda Soomaaliya  Sahra Maxamed Cali Samatar waxa ay   Warfid yeenada ugu warbixisay ahmiyada kulankani  iyo Hadafka ay haweenka Soomaliyed ka leeyihiin siyaasadda dalka.

Wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul insaanka xukuumadda soomaaliya o kaashaneysa ururuda bulshada rayidka ayaa maalmihi dambe gobolada dalka ka waday olole balaaran oo lagu wacyi galinayo haweenka soomaliyeed sidii ay u heli lahaayen xaquuquda ay ku leeyihiin siyaasada.

vlcsnap-2015-11-24-17h03m56s187vlcsnap-2015-11-24-17h05m24s51

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment