35664 Views

Ma dadkaa la tiriyaa mise dhulkaa la cabiraa si xal loogu helo doorashada 2016 ?

Ma dadkaa la tiriyaa mise dhulkaa la cabiraa si xal loogu helo doorashada 2016 ?

Toronto | QOL | 24 November 2015 | Dadka Soomaaliyeed oo ah ummad leh caado soo jireen ah, kuna faana inay yihiin dad reer guuraa ah taariikhdoodana lagu xuso dad caan ku ah dhaqana u leh qabyaaladda, is afgaranwaaga, xoog isugu faanka, reer sheegta inuu reer ka badan yahay, kuwo kaloo ku doodaa inay ka dhul balaaran yihiin kuwa kale iyadoo reer guuraanimadu sababto xadgudubka dhulalka, qaar isku tilmaama inay ka wadanisan yihiin kuwa kale, kuwo sheegta inay ugu taariikh dheer yihiin Soomaalida, kuwa kaloo aaminsan inay iyagu maamulka kaga fiican yihiin beelaha kale, kuwo lagu tilmaamo inay dadka ka liitaan, qaar isku tilmaama inay iskala wayn yihiin kuwo kale, kuwo aan kala guursan iyo qaar kaloo lagu faquuqo laguna caayo inay xoogooda maalaan.

Waxaa kaloo dadka soomaaliyeed asal ahaanba ay isku haysan jireen ama reer reer kale ugu faani jiray xoolo la kala dhacay, reer dhul ka boobay reer kale iyo gar ragga loo soo xulay ay ahaayeen kuwooda ugu madaxa adag guushana ku sheegan jiray reerka u soo hoyataa inay tahay tan raggaas garta galay ay toodu uun u muuqatay kuna adkaysteen , sida soomaalidu ku sheekeeysatana raggaas loogu yeeri jiray nin karmeedyo. Intaa oo taariikh reereed ah uu reer walba gooni u abuurto ayay ubadkuna ku barbaaraan, taariikhahaas oo aan meel loo raacdo lahayn waxay salka dhigtaan aqoon darrida Dadka Soomaalida.fderaalka

Markii ay dhacday dowladii dhexe 1991-ki, waxaa sii xoogeeystay caadooyinkii Soomaalidu lahayd iyadoo caadifaddii qabiilkuna ay cirka isku shareertay, maadaama shacabkii Soomaaliyeed dagaal arxan daran oo sokeeye dhexmaray, waxaa halkaa ka baxday taariikhdii iyo sheekooyinkii lagu qori jiray manaahiijta waxbarashada xilligii nabadda, runtiina la taabtay, Soomaali aan denbi gelin kuwo aan dagaal gelin, waayeel, Dumar, Caruur iyo inta aan is difaaci karina dhegta dhiiga loo daray, hanti shacab iyo mid qarana meel walboo ay wadanka ka taalay cidii u dhowayd awoodna u lahayd iyadoo aan u aabayeelin xalaaleeystay, reerkii xoog roon ayaa reerka u talinayana la isku dayay in la dhaqan geliyo.

Intaas oo denbi ah markii la galay waxay Soomaali ogaatay in aanay suurta geli Karin in reer reer ka adkaado ama uu reer reer kale danta uu leeyahay xoog ka fushan karo, waxaa xalku noqday in iyadoo aan la is cafin dantu qasabtay Soomaalidu inay xaqiiqda taabtaan, loona baahday in bal mar uun qarankan cagaha loo dhigo.

Waa la isa soo hor fadhiistay, shirar jabhadihii dagaalamayay loo dhigo kuwo kale oo kooxo hogaamiye kooxeedyo hubeeysan la isugu yeero kedib waxaa shirarkii ugu horeeyay ee Soomaali is hor fadhiisato iyadoo aan lagu kala qiimayn qabiil dagaal galay iyo mid aan gelinba uu ahaa shirkii jabuuti ee magaalada carta lagu qatay, isla markiibana waxaa la isku afgaran waayay habkii wax loo qaybsan lahaa, iyadoo ay caadadooyinkii beeluhu ku sheekeeysan jireen iyo tiro isugu faankii aan tirakoobkeeda la hayn meel loo dhaafo la garan waayay.
Isjiijiid badan kedib waxaa waxaa la isku afgartay in beelo lagu timaamo beelo buuxa kuwana loogu magac daray beelaha barka ah, magacaasina ay aqbaleen inay beel walba qaadato iyadoo hab laaluush iyo madax salaaxid ah lagu maareeyay ergadii meesha isagu tagtay nidaamkaa oo loo bixiyay 4beelood iyo beel bar ah ama 4.5. Dowladii xilligaa lagu dhisay Carta ee uu Cabdiqaasin Salaad Xasan madaxda ka noqday ma hanaqaadin, iyadoo ay ka soo horjeesteen Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, Puntland iyo Kismaayo joogay oo aanan shirkaa ka qaybgalin awgeed.

Waxaa xigtay dowladii Empaghati lagu dhisay oo uu alaah u naxariistee Madaxweeyne Cabdullaahi Yuusuf hogaaminayay oo isla nidaamka 4.5-ka ah qaatay laguna xulay 275 xildhibaan oo ka socda qabaa’ilka Soomaalida oo dhan kuwa ugu waaweeyn iyo kuwooda ugu yaryar intaba, iyadoo xildhibaannada baarlamaanka maanta ay u dhisan yihiin sidan:

beesha shanaad

dir

digil iyo mirifle

daarood

hawiye

Sida heshiisku ahaa qaabkaan 4.5 waxaa loogu talay galay in si ku meelgaar ah loo isticmaalo inta xaalka wadanku ka degayo loogana gudbo hab kale oo ay Soomaalidu isku afgaran doonto, iyadoo dowladii xigtay ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ay u gogol xaartay in nidaamkii ku meelgaarka ahaa laga gudbo.

September 2012 ayaa waxaa dalka Soomaaliya markii ugu horeeysay loo doortay maamul aan ku meel gaar ahayn laakiin uu doortay baarlamaan 4.5 ku dhisan iyo dastuur ku meelgaar ah, iyadoo qorshuhu ahaa in nidaamkani uu wadanka ku soo dabaalo hab doorasho oo qof iyo cod ah, dagaalo badan oo kooxaha nabad diidka ah lala galay, baarlamaan aan si fiican u shaqayn, madaxda sarsare is qaqabsigooda , maamulo dhisme lagu bilaabay iyo wada shaqeeyn la’aan maamulka keliya ee dhisnaa ee Puntland kedib waxa ugu danbeeyntii muddo aan sidaa u fogayn la yagleelay maamullada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Jubbaland oo muran ka jiro.

Beelaha waaweeyn ee xurgufta siyaasadeed ka dhaxeeyso qola waliba waxay isku dayday inay maamulka dantu ugu jirto taageerto kan kalena sharci darro ku tilmaamto. Jubbaland waxaa lagu tilmaamay maamul dusha laga keenay ciidamada Kenyana ay wataan iyadoo aanay dadka 3dexda gobol maamulkaasi raali ka ahayn, islamarkaana uu maamulkaasi noqday mid ka arimiya keliya qayb yar oo Kismaayo ka mid ah, halka Gobolka jubbada dhexe ay kooxda nabad diidka ah ee al-shabaab xaruun u tahay, gobolka Gedo-na uusan maamulkaa ka jirin.

Galmudug oo isaguna sheegta inuu yahay labada gobol ee Mudug iyo Galguduud waxay Puntland ku tilmaamtay inuusan dastuurka waafaqsanayn maadaama uu yahay gobol iyo bar keliya dastuurka ku meelgaarka ahina qorayo maamulku waa inuu noqdaa 2 gobol iyo ka badan. Hadaba waxaa la soo gaaray xilligii wadanka loo diyaarin lahaa doorasho waxaana la is weeydiiyay, maadaama muran degaameed jiro qaabkee doorasho guud loo qaban karaa, qolo walibana waxaa la siiyay inay ka soo talo bixiso sidii wadankan hore loogu socon lahaa loona heli lahaa nidaam bedela kan maanta jira.

Puntland iyo beelaha ku abtirsada waxay gaashaanka ku dhufteen in nidaamkii 4.5-ka wax lagu doorto, iyagoo soo jeediyay in nidaam degaan ah wax lagu qaybsado qola waliba ay cabirka dhuleeda wax ku qaadato, waxayna ku doodeen in degaannadu ay noqdaan kuwii 8-da gobol ama 18-ka gobol taasoo ula muuqato in cadaaladu ku jirto, halka 4.5 ay ku dhaliilayaan in sedbursi ka jiro.

Maamullada Galmudug iyo Koonfur galbeed iyaguna waxay ku taliyeen in nidaamkii hore ee 4.5-ka wax lagu qaybiyo taasoo ay u arkaan in qaab-degaameedka qariidadda Soomaaliya loo sameeyay uu ahaa mid maamulkii Kacaanka beelo gaar ah ugu sad buriyay degaano aan dad badan ku nooleeyna gobollo iyo degmooyin loogu magacaabay waagaa, taasina ay u arkaan hab cadaaladda ka fog.

Qaab dhismeedkii gobollada Soomaaliya u dhisnaayeen 1991 ka hor burburkii Soomaaliya iyo sida ay qabaa’ilku u degaan waxa uu u egyahay sidan

banadir+gobolada-dhexe

Shantaan gobol waxaa dega ama ku xoog badan beesha Hawiye, waxayna ka kooban yihiin 38 degmo, iyadoo ay la degaan beelaha Dirta koonfureed, Madhibaan, Yaxar, Jareer wayn, Carab Soomaali iyo Banaadiri. Hadaba markii laga jaro degmooyinka 5-taan gobol ku yaala ee ay degaan beelaha Daarood sida( Cabuudwaaq, Balanbale, Goldogob, Jariiban iyo Gaalkacyo barkeed) waxaa soo haraya 33.5 ama 33 degmo iyo bar oo ay beesha Hawiye ugu badan tahay, waana qaab dhismeedkii gobollada Soomaaliya 1991 ka hor.                                                  

 

gobolada-dhexe+bari

Sagaalkaan gobol waxaa ku xoog badan beesha Daarood waxayna iskugu jiraan kugu iyago degaan gaar ah u ah iyo kuwo ay wax ka degaan,  iyadoo ay si aan la dhayalsan karin ula degaan degaannada qaarkood beelaha Dir, Madhibaan, Raxanwayn, Jareerwayn, waxayna ka kooban yihiin guud ahaan 39 degmo. Hadaba markii aan ka saarno degmooyinka beesha Isaaq iyo Hawiye ee gobollada Togdheer, Sanaag, Mudug iyo Galguduud ee kala ah (Ceerigaabo, Ceel-Afwayn, Oodwayne, Burco, Sheekh, Hobyo, Xarardheere, Dhuusamareeb, Cadaado, Galhareeri, Ceelbuur, Ceeldheer iyo Gaalkacyo barkeed) waxaa soo haraya 26.5 (26 degmo iyo bar)  iyadoo gobolka Jubbada Hoose  iyo Jubbada Dhexe uu muran xoogan kaga jiro beelaha Hawiye, Raxanwayn, Jareerwayn iyo beesha Baajuun sheegashada labada Jubbo, hase yeeshee waxaa muuqata in labadaa gobol ee Jubboyinku  yihiin gobollo ay Soomaalidu ku dhan tahay, halka gobolka Gedo-na ay beesha Raxanwayn aad ugu xoogan tahay maadaama uu yahay gobol laga jaray Gobolkii Jubbada Sare la oran jiray intii ka horaysay 1979.

gobolada-koofur

 

Shantaan gobol oo ka kooban 27 degmo, degaan ahaan waxaa si wayn ugu xoog badan beesha Digil iyo Mirifle iyadoo ay tiro aad u badan oo bulshada Soomaalidu tiraahdo kuwa laga tira badan yahay sida Jareer-wayn, reer Baraawe iyo dadka cadcadka degaan u tahay dhaqan wadaagna la ah beesha Raxan-Wayn, waxaa kaloo iyagana dega beelo Hawiye, Dir iyo Daarood ku abtirsada waana gobol degaan u ah dhamaan beelaha Soomaalidu ka kooban tahay.

Dadka Soomaaliyeed oo aan weligood tiro sax ah laga hayn xitaa dowladihii dhexe ee Soomaaliya aysan weligood si sax ah ama xaqiiqo ah u sheegin tirada dadka Soomaaliyeed, ulajeedada ugu wayn ee loo xayiri jiray tirada dadka Soomaalidana ay ugu waynayd in la sheego tirada degaan kasta oo dhulka Soomaaliyeed ku dhaqani intay le’eg tahay, si mala awaal ah keliyana dadka Soomaalida tiro celcelis ah lagu sheegi jiray, si iyadoon la raacin shuruudaha degmo ama gobol ay ku noqon karaan gobol ama degmo ugu suurto gasho maamuladii jiri jiray inay doorasho uga soo galaan meel aan la ogayn dadka degan tiradooda ama degmo iyo gobol u magacaabaan meeshii ay doonaan.

Arinku wuxuu salka dhigtay in sheeko Soomaaligii ahaa in beel sheegato inay beelaha kale ka badan tahay, mid kalena lagu sheego in laga tiro badan yahay iyadoo loo adeegsan jiray suugaan laga soo minguuriyay dhaqamada Soomaalida qayb ka mid ahna manaahiijta waxbarashada lagu baran jiray, dhaqamadaas iyo gabayadaas la xafidsiin jiray caruurtuna noqdeen kuwo ku sawirmay ardaydii Soomaaliyeed iyagoon aqoon u lahayna ay qireen in dadka suugaanta ama maahmaahyada iyo dhaqanka Soomaalida lahaa ay yihiin dadka taariikhda Soomaalida leh inta aanay suugaantoodu qornayna ay yihiin dad aan taariikh u lahayn dalka Soomaaliya lagana tiro badan yahay, iyadoo maamul waqti dheer jiray awood uu ku fuliyo ajendahaasna lahaa ay u suurto gashay inuu dadka Soomaalida oo ay aqoontoodu aad u yar tahay ka gado fikradahaas.

Intaan Doorasho mid degaan ama mid shaqsi iyo cod ah lagu dhaqaaqin waxaa muhiim ah in xaqiiqada loo tago dadkana si cadaaladi ku jirto loo tira kobo, waa ay adagtahay in qof ku barbaaray sheeko loo sheegay oo ahayd in reerkiisu ka badan yahay reeraha kale tirakoob uu ku qanco loo sheego.

Waxaan tusaale yar u soo qaadanayaa wadanka loo yaqaano Ivory Cost markuu xornimada ka qaatay gumaystihii Faransiiska waxaa hogaanka u qabtay madaxweeyne la oran jiray Félix Houphouët-Boigny oo wadankaasi ka ariminayay 1960-1993 haystayna diinta Roman Cathlic-ga, waxa dalka Ivory Cost diintiisu ahayd diinta masiixiga laguna maamuli jiray, diimaha kalena ay ka ahaayeen diimo laga tiro badan yahay. Dagaaladii sokeeye ee uu wadankaasi soo maray kedib waxaa dadka reer Ivory Cost ugu danbeeyntii laga qaaday tirakoob guud si ay doorasho u galaan, tirakoobkaas oo lagu ogaaday in dadka ugu badan wadanka una dhigma 40% dad Muslim ah, halka dadka Masiixiga ah ay noqdeen 30% doorashadii la galayna uu ku soo baxay nin Muslim ah oo ah madaxweeynaha hadda talada haya Alassane Dramane Ouattara oo 2011 doorashada ku guuleeystay.

Maadaama nidaamka 4.5 lagu soo dhaqmayay 4tii maamul ee is xigay lana ogaaday inuu mas’uul ka yahay habacsanaanta iyo masuuliyiinta qaabka qabiilka lagu xulo karti daradooda siiba kuwa baarlamaanka fadhiya, waxaa jira habab kale oo ka duwan kan maanta jira, haba qaldanaado biloowga hore, waxaa bilaaban lahaa ka murankiisa iyo doodaha qaladaadka nidaamkaa cusub, ilaa ugu danbeeyntii la cilad bixiyo wadankuna u gudbo qof iyo codkiis, anigu ma garan sababta looga baqayo.

Wadanka Imaaraadka Carabka wuxuu xornimada ka qaatay dalka Ingiriiska 1971 waxay go’aansadeen inay qabaa’ilkii ay ahaayeen u kala gogo’aan hab federaal ah awoodda ku qaybsadaan dastuurna sameeystaan, waxa ay doodaas wadeen muddo 25 sanno ah, ugu danbayntiina 1996 ayaa dastuurka wadankaas la ansixiyay iyadoo aanu muran iyo sad bursi jirina qolo waliba degaankeeda iyo tiradeeda awood qaybsi ah lagu heshiiyay heshiis kama danbeeys ah, taasoo uu wadankaasi maanta ka mid yahay wadamada aanay sheekada siyaasaddu muhiim ka ahayn, mar hadii si aad looga taxadaray oo cadaaladina ku jirto wax lagu qaybsaday.

Gabagabadii su’aashu waxay tahay:

  1. Maxaa looga baqayaa in laga gudbo habkaan 4.5-ka mise sir baa ka danbeeysa ?
  2. Sid ka muuqata hab qaybsiga 4.5 yuu dan u yahay, yaase ku dhib qaba ?
  3. Habkan degaannada isagana yaa dani ugu jirtaa, maxayse tahay danta uga maqan 4.5-ka ?
  4. Habka 4.5-ka ma aha nidaam hore loogu socon karo Soomaaliyoo dhana way ognahay, maxay tahay awooda diidaysa in hore looga socdo ?

.

.

______________________

By: Mustafa Salad Awale

 

Share This Post

Post Comment