5916 Views

Nicholas Kay oo la badalay iyo ergay cusub oo Soomaaliya loo soo magacaabay

Nicholas Kay oo la badalay iyo ergay cusub oo Soomaaliya loo soo magacaabay
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 24, 2015 — Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa Ergey cusub u soo magacaabay Soomaaliya, kaasoo bedeli doona kii hore Danjire Nicholas Kay.

Masu’ulkan cusub ayaa u dhashay dalka Britain waxana lagu magacaabaa Michael Keating waxuuna buuxin- doonaa asagoo oo noqonqqyo Madaxa howl galka taageerada Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya (UNSOM)

Mr Keating ayaa xilka kala wareegaya Nicholas Kay oo ay isku wadan yihiin, kaasoo dhamaadka sanadkan ay u dhamaan doonto howshiisa, kadib labo sano iyo bar oo uu xilkaas hayay, in kasta uu jeclaa in uu sii joogo.

Warbixin lagu daabacay Bogga ay QM ku leedahay Internetka, ayaa lagu shaaciyay magacaabista mas’uulkaasi.

Ergeyga cusub ayaa la sheegay in waayo-aragnimo uu u leeyahay nabadeynta iyo arrimaha siyaasada, waxaana sidoo kale uu ka soo qeyb qaatay mashaariicyo dhinaca bani’aadanimada oo laga fuliyay Afghanistan, Bariga Dhexe iyo Africa.

Sidoo kale waxaa uu tan iyo sanadkii 2012 ahaa Agaasimaha Machadka Chatham House, waxaa uu ahaa La taliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Suuriya 2010-2012..

Danjire Keating waa 56 jir, waxaa uu ku dhashay dalka Uganda, magacaabistiisa ayaa ku soo aadeysa, iyadoo sanadka 2016 la gali doono kala guur siyaasadeed iyo doorashooyin la filayo inay ka dhacaan Soomaaliya. Waa la arki-doonaa ergayga cusub waxa uu la yimaado iyo fikrada uu ku soo biriyo bacdamaa Soomaaliya ay galaayso marxalad la guur ah.

 

 

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment