3492 Views

Ra’isul Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Hey’adaha Qaramada Midoobay Kala Hadlay Dabeeysha El Niño.

____________________________________________________________________________

12309420_870541273067203_1993834654_n-620x264

Moqdisho, November 24, 2015 — Kulankani  Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka mudane Maxamed Cuamr Carte Qaalib uu la qaatay  mas’uuliyiinta  hay’addaha qaramada midoobay u qaabilsan Arrimaha bini’aadanimada  ayaa looga hadlayay dar-gar galinta ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan  kara roobabka dabalayha wata ee la saadaaliyey  iyo sidii hay’adaha Qaramadda midoobay ay gacan kaga gaysan lahayeen dadaaladda ay wado dowladda Soomaaliya ee ku aadan  sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhalan  karaa roobkaasi Elnino.

Kulanka ayaa waxaa Ra’isul wasaare ku xigeenka ku wehliyey guddiga heerka qaran ee xukuumadda u xilsaartay ka hortaga dhibaatooyinka ka dhalan kara  roobabka dabeylaha wata  kaasi oo saameynta  ugu badan laga yaabo in ay ku yeelato  dadka degan deegaanada  ku teetsan  xeebaha iyo kuwa ay maraan  wabiyadda juba iyo shabeelle .

Guddiga heerka qaranka ee u xilsaaran  roobabka dabeylaha wata ee la saadaaliyay ayaa kulanka warbixin looga dhageystay oo ku aadan  halka ay mareyso  diyaar garowga  dowladda  Soomaaliya  ay wado ee la xiriira  roobabka  dabeylaha wato, iyagoo xusay in xiligaan qaybo ka mid ah Soomaaliya ay ka Curteen Soomaaliya roobka deyrta ah kuwaasi  oo dhibaayooyin u geystay dadka beeralayda iyo  xoolaha dhaaqatada ah.

Wakiiladda hay’adaha qaramada midoobay ee dhinaca  gargaarka ayaa  balan qaaday in kaalinta kaga aadan ay ka qaadanayaan   ka hortaga dhibaayooyinka ka dhalan kara Elnino .

Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cuamr Carte oo kulanka ka jeediyey   hadal  kooban ayaa  tilmaamay in  dowladda Soomaaliya ay gudi heer qaran ah u magacowday  kaasi oo shaqadiisu tahay in ay isku xireen  hay’addaha heer fedraal,  maamul goboleedyadda iyo kuwa gargaarka   ee isugu jira heer calami iyo kuwa gudaha,waxaa uuna intaa ku daray in hay’adaha   bini’aadanimada ka shaqeeya looga bahan yahay waxqabad dhab ah dowladuna ay kula xisaabtami doonto.

Dhinaca kale  Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cuamr Carte ayaa kulamo gooni gooni ah waxa uu magaladda   muqdisho kula yeeshay  safiirka dowladda china u joogo dalka  iyo ku xigenka  ergeyga  gaarka ah ee qaramadda midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, isagoo kala hadlay arrimo kale duwan oo la xiriira xaalada Soomaaliya oo qeyb ka eheyd sida doorasho ay ugu dhici karto dalka 2016-ka.

Ra’isul wasaare ku xigeenka dalka iyo safiirka china ayaa ka wada hadlay shirka  isku xirka dhaqaalaha iyo ganacsiga  Africa iyo china kaasi oo lagu qaban doono dalka  koofur Africa. Kulanaasi  waxaa goob joog ka ahaa wasiiro ka tirsan xukuumadda iyo  safiirkii hore ee dowladda Soomaaliya  dalka china.

12272724_870541229733874_1993966735_n12277226_870541193067211_155271346_n12278058_870541263067204_1032338594_n

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment