3153 Views

Wasiirka Maaliyada Soomaaliland oo la kulmay wufuud ka kala socda Ingiriis iyo Maraykan

Wasiirka Maaliyada Soomaaliland oo la kulmay wufuud ka kala socda Ingiriis iyo Maraykan
____________________________________________________________________________

   Xukuumad Ahaan Lacagtii Doorashadu Waa Naga Diyaar  | 

Hargeysa | November 24, 2015 – Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland ayaa maanta xafiiskeeda magaalada Hargeysa waxa ay kulan kula qaadatay laba wefti oo ka kala socda dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka, kuwaasi oo ka mid ah hay’addaha Somaliland ka taageera mashaariicda horumarka.

Labadan wefti ee ajaanibka ah ayaa ka kala socday Hay’ad Ingiriiska ah oo xukuumadda Somaliland ka taageerta kana caawisa dib u habayta cashuuraha iyo nidaamka maaliyadeed ee Somaliland iyo Hay’adda USAID oo Somaliland ka taageerta mashaariic badan oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinku.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa kulankaasi kadib la hadashay warbaahinta , waxaanay faahfaahin ka bixisay waxyaabihii lagaga wada hadlay kulankaasi, waxaanay tidhi “Waxaanu halkan laba shir kula galnay wefti ajaanib ah, kuwaasi oo kala ah qolo Ingiriis ah oo nala wada dib u habaynta cashuuraha iyo maaliyada Somaliland, kwaasi oo ay soo diray nin masuul ah si uu u eego halka aanu marayno, waxyaabaha naga dhiman iyo qaybaha la doonayo in la dedejiyo.

Qolada kalena waxay ahayd qolo ka socota Hay’adda Maraykanka ah ee USAID oo ay gabadh madax ahi la socoto, oo iyagu aan dib u habaynta maaliyada oo kaliya aan u socon ee doonaya in ay dedejiyaan qaybta kaga began dib u habaynta maaliyada iyo caam ahaan Somaliland doorashooyinkeeda iyo waxyaabah ay u qaban karaan oo dhan iyo sida ay inooga diyaar tahay ayay nooga waraysteen.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay intaa ku dartay “Runtii labada hay’addoodba waanu u waranay si mug iyo miisaan leh, runtii iyaguna si garawshiyo badan ayay aad ugu amaaneen Somaliland waxyaabaha badan ee ay qabsatay oo ay ka mid tahay ee ay ka mid tahay nabada intaa leeg ee aynu haysano iyada oo dagaalo inagu dhaceen.”

Wasiir Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay qabsatay waxyaabo badan oo ay ugu horrayso arrimaha nabadgelyada, waxaanay tidhi “Somaliland waxyaabo badan ayay qabsatay intii ay jirtay, maanta wixii nalagu soo kordhiyaana waa wax naga dhinaa, sababta oo ah Somaliland maaha meel maanta la odhanayo baahi wax waliba way jirtaa, ee wixii nala taraa waa wax naga dhinaa anaguna wax badan ayaanu qabsanay. Waxaanay ahaayeen runtii dad u soo jeeda in Somaliland ay wax la qabtaan.”

Marwo Samsam Cabdi Aadan waxa ay sheegtay in Somaliland ay maanta taagan tahay meel wanaagsan, isla markaana lagu halayn karo doorashooyinka, waxaanay tidhi “Somaliland maanta meel wanaagsan ayay taagan tahay oo doorashooyinkii la inagu halayn karo, lacagtii doorashooyinkuna waa naga diraay, markaa doorashaduna inaga ayay dan inoo tahay, markaa waa in aynu inaga oo gacmaha is haysana aynu galnaa doorashada oo ka wada shaqaynaa.”

.

.

________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment