3873 Views

“Ciidamada Miina baarista Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan Sugida Amniga dalka”

“Ciidamada Miina baarista Booliska waxay qeyb weyn ka qaataan Sugida Amniga dalka”
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 25, 2015 — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta ka qeybgaley munaasabad lagu soo bandhigayey waxqabadka ciidammada gaarka ah ee booliska ugu qaabilsan miino barista (Miino Baarka Booliska Soomaaliyeed MMB), taas oo ka dhacdey xarunta Gaadiidka Booliska ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatey cutubyo ka tirsan ciidammada booliska, kadibna khudbad ka jeediyay munaasabadda.

Waxaa uu si weyn u ammaaney waxqabadka booliska iyo horumarka la taaban karo ee ay ka geysanayaan sugidda amniga shacabka iyo kan dalka guud ahaan.

“Xeradan iyo hawsha wanaagsan ee lagu soo bandhigay waxay daliil u tahay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsaneyso maalinba maalinta ka dambeysa. Xeeladaha iyo aqoonta aadka u sarreeya ee aad ina tusteen waxay wax weyn ka tari doonaan in la burburiyo kooxaha cadowga ku ah jiritaanka iyo nabadgelyada Soomaaliya’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale xusey in loo baahan yahay in hay’adaha dowladda ay shacabka u soo bandhigaan waxqabadkooda si ay u kasbadaan taageerada shacabka ee ku aaddan dib u dhiska dalka.

‘’Waxqabadka aan maanta halkan ku soo bandhigteen waxaa uu ka marag kacaya baahida loo qabo in bulshadu ay ka warhayso waxa ay dowladdu qabaneyso. Waxaan ku boorrinayaa dhammaan hay’adaha dowladda iyagoo adeegsanaya qalabka warbaahinta inay waxqabadkooda bulshada u soo bandhigaan, taasina waxay qeyb weyn ka qaadaneysaa fahamka dowladnimada iyo inaan ka mira dhalino hawlaha qaran ee aynu hayno’’.

Waxaa kale oo uu fariin u diray warbaahinta dalka.

‘’ Warbaahinta iyaguna waxan kula dardaarmayaa inay qeyb ka qaataan nabadeynta iyo dib u dhiska dalka, ayna ka tusaale qaataan dalalka horay dhibaatooyin nala mid ah uu horey ugu dhacay iyo sida warbaahintooda ay gacan uga geysatey’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Waxaa uu intaa ku darey in abaalmarinta ugu weyn ee ay heli karaan ciidammada ay tahay in la aqoonsado hawshooda geesinimada leh ee ay naftooda ugu hurayaan u adeegidda iyo difaaca qarannimada iyo nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa shacabka xusuusiyey dhibaatooyinka laga dhaxley caadooyinka iyo dhaqamada aan la jaanqaadi karin nolosha casriga iyo aadminimada.

“Ciidanka Miina Baarka Booliska waxay halkan ku soo bandhigeen xirfadahooda la xiriira sida looga faa’ideysan karo eeyaha dhinaca miina baarista iyo la dagaalanka dembiyada loo adeegsado. Waan ognahay dhaqan iyo caado ahaan waxa aan eeyaha ka aaminsanahay, laakiin waa inaan mar walba ku cabbirnaa waxtarka uu inoo leeyahay dhanka sugidda amniga. Waa in dadkeena ay ka gudbaan caadooyinka xun sida in wax laga sheego dadka xirfadaha gacmeed ee kala duwan ku shaqeysta, xirfadahaas oo kaalin weyn ka qaata horumarka dhaqaalaha iyo bulshada ee waddanka’’.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabadda kaga dhawaaqey hadal ay si weyn ugu farxeen Ciidammada Miino Baarista Booliska Soomaaliyeed iyo xubnaha la shaqeeya ee Ciidammada Dembi Baarista Booliska (CID) oo ahaa in min hal darajo la dalacsiiyay. Xubnaha Ciidammada Miino Baarka ee sida gaarka ugu qaabilsan eeyaha , ayaa iyagu waxaa la siiyey dalacaad min laba darajo ah.

Wasiirka Amniga Qaranka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Cumar, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka warbixiyay hawlaha hay’adaha amniga dalka iyo horumarka ay ku tallaabsanayaan.

Taliyaha Booliska Soomaaliyeed, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa isna warbixintiisa ku xusey in dhowaan booliska iyo maamulka gobolka Banaadir ay wadajir uga shaqeyn doonaan hawlaha dab damiska, isagoo dhanka kalena sheegay in dhowaan la furi doono xafiis gaar ah oo boolisku leeyahay, kaas oo qaabilsan tacaddiyada ka dhanka ah haweenka iyo carruurta.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen Wasiirrada Gaashaandhigga, Shaqada iyo Shaqaalaha, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Taliyaha Ciidammada Nabadsugidda iyo mas’uuliyiin ka socdey gudaha iyo dibedda, ayaa waxaa lagu soo bandhigey qaar ka mid ah adeegyada muhiimka ah ee ciidammada booliska ee miina baarista qaabilsan u hayaan dalka.

Ciidammada Miina Baarka Booliska ayaa waxaa la aasaasay sannadkii 2011-ka.

unnamed-2unnamed-51unnamed-41unnamed-3

.
——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment