7959 Views

Dagaalka Damu-Jadiid iyo Puntland oo lagu naafeynayo Horumarka Nolosha Shacabka Gaalkacyo

Dagaalka Damu-Jadiid iyo Puntland oo lagu naafeynayo Horumarka Nolosha Shacabka Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 25, 2015 –  Koox yar oo dhaqan kelitalisnimo leh ayaa madaxtooyada Soomaaliya taladeeda ku hogaamiya dulmi iyo shar ay ka dhalatay hogaanxumo sababtay in dalka uu ka dhaco isbedel siyaasadeed oo ay shacabka Soomaaliyeed mahdiyaan. Shaqsiyaadka horkacaya koox-diimeedkaas ayaa ku faashilmay hogaaminta wasaaradaha dowlada dhexe iyo madaxtinimada dalka, waxeyna hadda ku soo firxadeen maamul-goboleedyada oo ay dhaqaale ku maquuninayaan sidii ay u hanan lahayeen hogaamintooda. Wixii ka dhacay Cadaado cidina ma mooga.

Degmada Cadaado si loo doorto musharaxa Damu-Jadiid waxey kaliftay in beesha degta degaanka lagu furto taageeradeeda lacag dhan 120 milyan oo loo bixiyey laalush kala ah lacag cadaana, guryo, baabuur, xilal, qandaraasyo, dhulal, iyo hub. Doorashada wadaadkaas Damu-Jadiid wuxuu ahaa mid ka turjumaysa rabitaanka kooxda ka talisa madaxtooyada Soomaaliya, wuxuuna horjoogahaas u xilsaaran yahay fulinta maslaxada kooxdaas oo ah mid aan waafaqsaneyn danaha shacabka degaanka. Dadka degaanka kuma qancin guushiisa, waxeyna cabsi ka qabaan in si calooshi-u-shaqeystanimo uu ugu adeegto dhalinyarada oo uu ka dhigto ciidamo uu ka kireysto wadamada carabta iyo odeyaasha dhaqanka oo uu damiirkooda ku dilo dhuuniqaadnimo. Damu-Jadiid dhaqaalaheeda waxey ku dooneysaa iney xoog u kaashato, colaadna ay u horseedaan maamulada ay ka taliyaan.

Tijaabada u horeysa waxey noqotay Gaalkacyo oo ay ka taagneyd wareer ku saabsan cida ay hoos imaaneyso maamulkeeda. Puntland daacad kama ahan iney la dagaalanto Damu-Jadiid, waxaana ka dhexeeya qorshooyin qarsoon laakiin ay shacabkeeda ugu been-guureyso xayxeydashada bilaashka ah. Sida ku cad xogta dowlada dhexe oo la aqbalsiiyey bulshada caalamka waxey xuseysaa in gobolka mudug uu ka mid noqdo maamulka Galmudug, waxaana dabray Puntland dastuurka ay Soomaalida u soo diyaarisay iyadoon ka fekerin caqabada uu ku keeni karo riyada uu qabo maamul-goboleedkooda. Puntland waxey ku fashilantay iney muranka Mudug siyaasad ku xaliso oo runta ay u sheegto shacabkeeda iyo siyaasadaha qarsoon oo ay heshiiskooda ku doorsatay.

Puntland iyo Damu-Jadiid ayaa dhinacyo badan heshiis ka ah, waxaana taas marqaati kaaga filan sida Damu-Jadiid ay Puntland ugu laaluusheen xilka raisulwasaaraha, safiiro muhiim ah, iyo kaalinta Puntland ay ku yeelaneyso dib u eegista dastuurka. Xodxodoshadaas waxey sababtay in Puntland ay qeyb ka noqoto damaca Damu-Jadiid ay ku boobeyso xukunka marka la gaaro doorashada 2016ka. Waxaa jira balanqaadyo qarsoon oo ka dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan sidii loo qeybsan lahaa dowladda la dhisayo doorashada kadib, waxeyna u muuqata in Puntland talo gacmahooda ka sii baxayaan, meel ay ka noqotana aysan joogin.

Ismaan-dhaafka aan micnaha lahayn ee ka soo muuqda labada dhinac wuxuu ku saleysan yahay awooda Damu-Jadiid ay ku yeelaneyso dowladaha ka dhismaya maamul-goboleedyada dalka, taas oo meel cidlo ah soo taageysa Puntland oo dagaaladu ay ka heystaan dhinac walba sida, Khaatumo, Somaliland, Al-Shabaab, iyo Galmudug. Qaladaadka ugu weyn ee uu galay hogaanka Puntland waa inuu ka gaabiyey siyaasadaha lagu caabinayo horornimada Damu-Jadiid ay ku maquuninayaan hanashada xukunka dalka oo dhan iyo xalaaleysiga boobka doorashada 2016ka. Daandaansigu hadda wuxuu ku socdaa Puntland oo horay dhabarka u xijisey mucaaradka Damu-Jadiid.

Hogaanka Galmudug waxaa loo abuuray isku mashquulinta Puntland iyo Galmudug inta laga gaarayo doorashada, waxaana cid walba u cad in hogaankaas uusan ahyn mid si cadaalada u mideyn kara wadanoolaashaha shacabka Mudug oo wadaaga colaad iyo gacalnimo isku dhexmilan. Hogaamiyaha Damu-Jadiid ee Galmudug waa masiibo loo soo diray dadka kuwada nool gobolada dhexe, mana ahan shaqsi laga sugayo siyaasad ku dhisan nabad ku wada noolaasho, wuxuuna isku diyaariyey in awooda hogaanimadiisa uu ku muujiyo xal ku dhisan xoog dagaal, taasna waxaa ka marqaati kacaya hub urursiga uu bilaabay iyo rukuuca uu xabashida ula tegey. Saansaantiisa Colaadeed waxaa ka soo horjeestey beelaha dega bartamaha, galbeedka, iyo  koofurta Galgaduud, waxeyna beelahaas ka soo horjeedaan in Damu-Jadiid ay duudsiyeen shacabka degaankaas xuquuqdooda ay ku dooran lahayeen madaxda sida dhabta ah u mateleysa dowladda maamuleysa degaankooda. Ahlu Sunna waxaa loo diyaarinayaa hub ka dhigis aysan raali ka ahayn iyo xil ku laaluushid.

Ahlu Sunna oo heysta inta badan taageerada beelaha dega gobolka Galgaduud ayaa si toosa uga horyimid in madaxtooyada Soomaaliya ay u soo magacawdo degaankooda horjooge u maamula gobolada dhexe, waxaana ka dhex socda abaabulo dagaal iyo halgan siyaasadeed oo dadka degaanka lagu kala jiidanayo. Xabashida iyo Galmudug waxaa u muuqta in hubka Ahlu Sunna lagu wareejiyo maamulka Galmudug oo lagu cadaadiyo madaxdooda iney la shaqeeyaan hogaamiyaha Damu-Jadiid oo dhowaan ka soo idan qaatay Addi Sababa. Ahlu Sunna waxaa ka go’an ineysan wax wadahadala ka gelin jiritaanka maamulkooda inta laga gaarayo dowladda ka dhalata doorashada 2016ka. Mowqifka Damu-Jadiid iyo Puntland oo isku dhowaadey waxey meesha ka saartay kalsoonida ay Ahlu Sunna ku qabi karto Puntland.

Waxaa soo jirey xiriir wadashaqeyn ah oo ka dhexeeyey Puntland iyo Ahlu Sunna oo salka ku hayey in si wadajira la isaga kaashado halista ay madaxda Muqdisho ku heyso maamul-goboleedyadooda iyo dagaalka ay kula jiraan mitidiinta xagjirka ah. Waxaa sii xoogeysanayey kalashagiga siyaasadeed ee soo kala dhexgalay maamulada Ahlu Sunna iyo Puntland, taas oo ka turjumeysey in Damu-Jadiid ay ku guuleystaan kala furfurka isbaheysiga labadaas maamul, waxaana taas cadeyn muuqata u ah sida Puntland ay uga aamustay go’doominta lagu bartilmaameystay Ahlu Sunna oo Addi Sabab lagu soo xeeladeeyey sidii meesha looga saari lahaa maamulkooda. Guushaas ay gaartey Damu-Jadiid waxey soo dedejisey iney ku soo dhiiradaan marmarsiyo ay ku daandaansanayaan siyaasadda Puntland oo cidlo taagan. Shacabka Gaalkacyo oo waranka caaradiisa gacmaha la isugu geliyey ayaa u ficiltamaya iscolaadin beelnimo oo aysan beeluhu taladooda ku dhalan dagaalku.

Dadka ku nool Gaalkacyo waxba kama macaashayaan dagaalka siyaasadeed ee u muuqda mid israacsan haddan isdiidan ee ka dhexeeya Puntland iyo Damu-Jadiid, dagaalkaas wuxuu sii xoojinayaa qeybsanaanta ka dhex jirta bulshada ku wada nool gobolka Mudug iyo abuurista colaad guud oo laga dhex abuuro beelaha waaweyn oo ay ka soo kala jeedaan dadka degan Mudug. Waxaa muuqata in dagaalka Mudug heshiis lagu wada yahay, qeybna uu ka yahay heshiisyadii wadatashiga qaranka ee dhowaan madaxda maamul-goboleedyada iyo Damu-Jadiid ku dhexmaray Muqdisho, dagaalkaas oo la doonayo in sabab looga dhigo in hab qabiil doorashada lagu saleeyo, kuwaas oo lagu soo xulayo qaab maamul-goboleed ku dhisan.

Shacabka Mudug ha ka fiirsadaan inuusan dagaalkoodu xalineyn isgaadgaadka ka dhexeeya Puntland iyo Damu-Jadiid oo maslaxadoodu ay ku mideysan tahay doorashada 2016ka. Burburka hantida iyo xasuuqa shacabka rayidka ah ayaa ah hubaal mid ka dhalaneysa isku xoogsheegadka labada kooxood oo ku hardemaya ismuujinta loogu jiro dhiig daata in lagu gaaro himilooyinka ay ka damacsan yihiin doorashada 2016ka. Waxaa muuqata dhiiga shacabka la daadinayo iney ka weyn tahay waxa lagu hiigsanayo doorashada 2016ka oo daruuri ka dhigeysa in halganka mirihiisa heshiis lagu qeybsado.

Ma ahan Damu-Jadiid markii ugu horeysey oo ay dagaal ku qaadan koox-siyaasadeed oo ay ku bartilmaameysanayeen si ay hanjabaadooda ugaga guul gaaraan danahooda, iyagoo kooxdaas dadka u tusaya iney ka shaqeynayaan dano beel gaara oo ka hor imaneysa maslaxda qaranka. Kutladii baarlamaanka ugu horeysey oo sida geesinimada lahayd uga hortimid ku tagrifalka awooda madaxtooyada ayaa waxaa ka dhashay dagaal siyaasadeed oo u dhexeeya kutlada oo lagu astaameeyey beelweynta guud oo ay intooda badan ka soo jeedaan iyo Damu-Jadiid, taas oo ay ka dhalatay in shacabku garab istaagaan Kutlada, halisna ay soo foodsaarto xilka madaxtooyada dalka.

Dr. Saciid Ciise Maxamud (SACIM)

Gudoomiyaha Xisbiga Dadka

saciidciise258@aol.com

Maine, United States of America

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment