3894 Views

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay shirarka ay dowladdu qabato

Guddiga dib u heshiisiinta Qaranka oo bogaadiyay shirarka ay dowladdu qabato
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 25, 2015 — Guddiga dib u heshiisinta Qaranka oo maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa waxa ay uga hadleen arrimaha la xiriira hiigsiga Soomaaliya ee sanadka 2016-ka iyo doorashooyinka la filayo in ay dalka ka dhacaan, kulamada wada tashi oo ay dowladda u qabaneyso shacabka iyo sidoo kale dagaaladii dhawaan ka dhacay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Mudane Ismaaciil Macalin Muuse, oo ah Guddoomiyaha Guddiga Dib u heshiisinta Qarankaoo ayaa kulanka ka dib saxaafadda shir u qabtay ayaa ka hadlay waxyaabihii kulankooda kasoo baxay, isagoo sheegay in Guddiga uu aad usoo dhaweynayo kulamada wada tashi oo ay wado dowladda oo uu ku tilmaamay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed ay ku dooran karaan nooca ay noqon doonto doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo sanadka 2016,ka.

Sidoo kale guddooomiyaha Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa ka hadlay dagaaladii dhawaan ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, isagoo soo dhoweeyay kaalintii odayaasha magaalada iyo labada maamulba ay ka qaateen qaboojinta xiisaddii colaadeed.

“Waxaan rabnaa oo guddiga go’aansaday in aan amaan u soo deejinayo guud ahaan aqoonyahanada iyo qeybaha bulshada ee Gaalkacyo ku nool oo runtii is hortaag inay damiyaan colaadda dhawaan ka soo cusboonaatay, anaguna baaq ayaan u direynaa oo ah in la qaato baaqyada bulshada ka imaanaysa” ayuu yiri Mudane Ismaaciil.

Guddiga dib u heshiisinta Qaranka ayaa arbaca walba yeesha kulan caadi ah kaasoo uu kaga hadlo xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan dhinaca dib u heshiisinta,waxaana guddiga uu kaalin weyn ka qaatay xalinta dagaal beeleedyadii kala duwanaa ee dhawaan ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan iyo meela kale oo wadanka gudahiisa ah.

.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment