5487 Views

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway

Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqdisho kula kulmay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 26, 2015 — Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway Mr Kjell Magne Bondevik oo maanta booqasho rasmi ah ku yimid magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway ayaa ah Madaxa Hey’ad qaabilsan Nabadda iyo xuquuqdaha aadanaha oo lagu magacaabo Oslo Centre for Peace and Human Rights.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway ayaa ka wada hadlay kaalint hey’addiisa ka qaadan karto dhismaha asxaabta siyaasadeed iyo dimoqraadiyeynta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Norway ay ka mid tahay waddamada hormuudka u noqdey dib u dhiska Soomaaliya, mashaariicda ay dalka ka fuliyeenna ay yihiin kuwo muuqda.

Mr Bondevik ayaa ku bogaadiyay Madaxweynaha iyo hay’adaha kale ee dowladda Soomaaliya, horumarka ay ka sameeyeen dhinacyada amniga, siyaasadda iyo arrimaha bulshada, isagoo intaa raaciyay in hay’adda uu madaxda ka yahay Oslo Centre for Peace and Human Rights ay kaalin muuqata ka qaadan doonto dhismaha hay’adaha siyaasadda iyo fidinta dimoqraadiyadda ee Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehliyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari iyo kuxigeenkiisa Jeylaani Nuur Iikar iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.unnamed2 (1)

 

 

unnamed11 (2)
_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment