3591 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo Gaalkacyo u tagaya xalinta xiisada Puntland iyo Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha oo Gaalkacyo u tagaya xalinta xiisada Puntland iyo Galmudug
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 26, 2015 —Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa saacadaha soo socda lagu wadaa inuu gaaro magaalada Gaalkacyo, halkaasoo maalmihii u dambeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysay Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa ku wehlinaya Wasiirka Arrimaha Gudaha, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo labada dhinac ka soo jeeda, waxaana ay dhexda u xiran doonaan dhameynta xiisada ka taagan Gaalkacyo.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa la filayaa inay kulamo kala duwan la aqaataan Mas’uuliyiinta labada maamul, si ay u xaliyaan xiisada lada dhinac ka dhex aloosan, waxaana maalmahan Gaalkacyo ka socday shirar nabadeed.

Wararka aanu ka heleyno Galkacyo ayaa sheegay inuu ka socdo barakac ay sameynayaan shacabka, iyadoo ciidamada Maamulada Galmudug iyo Puntland ay wali isku hor fadhiyaan xaafada Garsoor.

Barakac ayaa ka socday labadii maalmood ee u dambeeyay xaafadaha Galkacyo, iyadoo dadweynaha qaxayay ay ka cabsi qabeen in lagu dul dagaalamo, maadaama ay arintu weli qasantahay oo an xal wax ku ool ah laga gaarin.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment