5061 Views

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo mar dhow lagu aasay Muqdisho

Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar oo mar dhow lagu aasay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 26, 2015 — Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta Allaha u naxariistee Dr. C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho, kadib markii diyaarad siday Meydkiisa ay saaka ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Salaada Janaasada ee Meydka Safiirkii hore ee Masar u fadhiyay ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasare kuxigeenka Maxamed Cumar Carte, Wasiiro, xildhibaano iyo ehelada marxuumka.

Aaska ayaa ka dhacay qabuuraha Isbitaal Madiina ayaa waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Gobolka Wasiiro, Xildhibaano, wafdi ka socday Jubbaland, waxaana ay ku tilmaamay marxuumka inuu ahaa nin wax weyn ka soo qabtay siyaasada arrimaha dibadda.

Allaha u naxariistee Danjire C/llaahi Xasan Maxamuud ayaa ahaa safiirkii mudada dheer u fadhiyay Soomaaliya dalka Masar iyo Jaamacadda Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Safiirka, waxaana uu ku tilmaamay in qeyb weyn uu ka ooqaatay diblomaasiyada IB0A0795.

IB0A0684

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment