5148 Views

Ciidanka Dowlada Shiinaha oo dhoolatus ka sameeyay Biyaha Soomaaliya

____________________________________________________________________________

Dhoolatus

Moqdisho, November 27, 2015 — Marki ugu horreysay ayaa Ciidamada Badda ee dalka Shiinaha iyo kuwa gaashaanbuurta NATO oo wadajira ayaa dhoolo tus ka sameeyay Badda Soomaaliy kaas oo ka dhan ah burcad badeeda Soomaaliyeed oo ku sugan gacan biyoodka Cadan. War ay soo saartay Wasaaradda gaashaandhiga dalka Shiinaha, ayaa lagu sheegay in dhoolatuskaas ujeedkiisu ahaa in la xoojiyo sugida amaanka maraakiibta adeegsada biyaha Soomaaliya. Maraakiib dagaal, ayaa ka qeyb qaatay dhoolatuskaan, wuxuuna Shiinuhu ku goodiyay inuu talaab adag ka qaadi doono burcadii uu falkaas ku qabto. Biyaha dalka Soomaaliya, ayaa waxaa ku sugan Maraakiib dagaal oo ay soo direen dalal shisheeye, kuwaasoo aan la ogayn howlaha rasmiga ah ee ay ka wadaan Xeebaha dalka Soomaaliya. Dowlada Soomaaliya lagama hayo wax war ah oo ku saabsan dhoola tiskaan iyo maraakibta shisheeye oo mar kasta u taagan xalufinta khayraadka badda Soomaaliyeed.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment