3684 Views

Haweeney ninkeedi sumeysay iyo mid kale oo ku dayan-rabtay oo la qabtay

____________________________________________________________________________

Caano-la-sumeeyay

Moqdisho, November 27, 2015 — Warar la yaab leh oo naga soo gaarayo magaalada Beledweyn, ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska ay qabteen qof dumar ah oo sun u qastay ninki qabay uu sidas ku dhintay.  Taliyaha Saldhigga Galbeed ee magaalada Beledweyn dhame C/qaadir Maxamed Axmed, ayaa sheegay in haweeneyda la soo qabtay ay ninkeeda sun ugu dartay caano. Sababta waxa la sheegayay in ay ka dhalatay gabadha oo dhowr jeer weydiisatay ninki qabay in uu furo, balse asagu uu ka dhega adkeeyay. Murankaas ayaa sabab u noqday in ay sumeeyso ka dibna ai sidaas ku xuroowdo.

Sida ay haweeyneyda dooneysay arintu ma noqon oo ayada boliska aya faraha ku soo dhigay, hadana waxa ay sugaysaa in la hor geeyo sharciiga.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale soo qabtay haweeney kale oo iyana la sheegay inay qorsheyneysay inay ninkeeda sun ugu darto caanaha, isla markaana ay iyada iyo haweeneydii dishay seygeeda isla wadeen qorshahaas. Dhacdadaan argagaxa leh ayaa maanta si aad ah looga hadal hayaa magaalada Beledweyn, ee xarunta Gobolka Hiiraan, iyadoo meydka ninka la sumeeyay goor dhoweyd lagu aasay duleedka magaalada Beledweyne.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment