3495 Views

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Oo Mareykanka Kaga Qeybgalaya Shir Looga Hadlayo Boliiska Soomaaliya

____________________________________________________________________________

KH21-620x264

Moqdisho, November 27, 2015 — Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa maanta u ambabaxay dalka Mareykanka oo uu kaga qeyb galayo shir caalami ah oo looga hadlayo Boliiska Soomaaliya oo halkaasi ka dhacaya.

Taliyaha oo garoonka diyaaradaha ay ku sii sagootiyeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo uu kula dar daarmay in gacan bir ah ay ku qabtaan ammaanka dalka, waxaana uu ka xogwareysanayay sida xalay ay ku waabariisteen Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo sida xaaladoodu ay tahay.

Sidoo kale inta uusan ka ambabixin garoonka Taliyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kulan uu kula qaatay xubno ka tirsan wasaaradda Waxbarashada Dowladda Masar oo booqasho ku jooga magaalada Muqdisho, isagoo kaga mahadceliyay sida ay u caawinayaan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeya gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ka warbixiyay safarkiisa isagoo sheegay in dalka Mareykanka uu ugu socdo in uu ka qeyb galo shir caalami ah oo looga hadlayo horumarinta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in mar walbo ay u taaganyihiin dhisida Ciidan Boliis oo heybad iyo tayo leh.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment