4254 Views

Xil. Cabdi Barre: Dagaalka Gaalkacyo DFS ayaa abaabulayso (WAREYSI)

____________________________________________________________________________

cbdi-bare

Moqdisho, November 27, 2015 — Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxtooyadda inay kicinayso Dagaalka u dhaxeeya GalMudug & Puntland ee ka socda Gaalkacyo. “Dowladda Federaalka iyadaa Mas’uul ka ah, oo abaabulaysa Dagaalka Gaalkacyo, waa Nasiib darro in xilli Dalka la filaya inay Doorasho ka dhacdo Deegaanada laga huriyo Colaad sokeeye,” ayuu yiri Xildhibaan C/Barre. Xildhibaan Cabdi Barre ayaa ku tilmaamay Dagaalka Gaalkacyo mid gacmo kale ay gadaal ka riixayaan, oo aan ka dhex dhalan dadka Deegaanka ee Walaalaha ah. Cabdi Barre ayaa farta ku fiiqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa’uud, oo uu sheegay inuu ka aamusay marna ka hadlin Dagaalka Gaalkacyo, islamarkaana uu wax ka ogyahay Colaadda socoto. “Madaxweynaha wax badan ayuu ka ogyahay Diyaarado sida Hub oo laga qaadayo Maalin walba Muqdisho, oo laga dejinayaa Magaalada Cadaado, iyadoo ujeedka uu yahay in Dhiigga Shacabka Gobolada Dhexe lagu daadiyo oo la isku hubeeyo Dadka walaalaha ah,” ayuu yiri Xildhibaanka.

DHAGEYSO WAREYSIGA: Xildhibaan Cabdi Barre.

 

Source: Wacaal Media

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment