3543 Views

Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda

Baarlamanka oo ansixiyay qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 28, 2015 — Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyo wasiirro dhawaan la magacaabay iyadoo dhinaca kalena mudanayaashu ansixiyeen qaraarka dib u eegista kharashaadka dowladda.

Bilowgi kulanka Baarlamaanka ee maanta waxaa lagu hor dhaariyey Xildhibaannada Wasiirrada kala ah:- Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo horey u ahaa Danjiraha Dowladda Soomaaliya u fadhiyey dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha  iyo Mudane Eng C/rashiid Maxamed Axmed oo loo dhaariyey in uu noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Soomaaliya.

Dhaarinta Wasiirradaasi kadib waxaa Xildhibaannada Baarlamaanku ay gudagaleen iney u codeeyaan qaraarka dib u eegista Kharashaadka Dowladda ee bilihii Janaayo ilaa May ee sanadkan 2015 kaasi oo uu soo diyaariyey Guddiga Maalliyadda,qorsheynta, miisaaniyadda iyo la xisaabtanka hay’daha dowladda waxaana qaraarkaasi ogolaaday 140 Xildhibaan ayadoo hal xildhibaanna uu diiday sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye ku xigeenka Koobaad ee Baarlamaanka Mudane Jeeylaani Nuur Iikar oo shirka guddoominayey.

Dhinaca kale kulankii Baarlamaanka ee maanta waxaa Xildhibaannada loogu qeybiyey Mashruuc sharci oo ku saabsan ilaalinta Badqabka Dhulka iyo Xuduudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,  ayadoo sharciganna sameyntiisa ay ka dambeysay doodihii Baarlamaanka uu ka yeeshay Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo kenya.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment