4005 Views

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Gaalkacyo

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay xiisadda ka aloosan magaalada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Moqdisho, November 28, 2015 — Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug, Mudane Cabdikarin Xuseen Guuleed, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Cadaado, waxa uu uga hadlay dagaallada dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo, isaga oo sheegay in ay ciidamada Puntiland saakay aroornimadii duullaan ku soo qaadeen fariismo ay ciidamada Galmudug ku sugnaayeen.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in uu aad uga xunyahay waxa dhacay, uuna ku baaqayo in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka. Madaxweyne C/kariin ayaa sidoo kale sheegay in Galmudug ay horay ugu hoggaansantay, una dhaqangalisay dhankeeda qodobbadii ay odayaashu soo bandhigeen oo kala ahaa:
1) Xabbad-joojin
2) Ku-celinta ciidamada barahoodii hore iyo
3) Ka wada hadlidda wixii keenay dagaalka
Waxaase nasiib darro ah in Puntiland ay ku gacan seyrtay dadaalladii ay duqeydu wadeen, waanwaantii nabadeedna ay ku baddashay guluf colaadeed.

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa tilmaamay in kulankii ay shalay magaalada Cadaado ku yeeshen isaga iyo R/wasaare Cumar C/rashiid ay isku afgarteen in la dajiyo xiisadda taagan, islamarahaantaana ay Galmudug aqbashay in si shuruud la’aan loo kala qaado ciidamada is hor fadhiya, islamar-ahaantaana miiska wadahadalka la isugu yimaado.

Madaxweynuhu wuxuu intaa ku daray in qorshuhu uu ahaa in R/wasaaruhu uu maamulka Garoowe ku soo qanciyo qodobadii ay isku afgarteen isaga iyo R/wasaaraha, magaalada Gaalkacyana la dhigo gogol wada xaajood oo looga arrinsanayo dhibka dhacay balse aysan taa dhicin oo Galmudug ay saakay ka warsheshay duullaan qaawan oo Puntilanda ay ku soo qaaday iyo R/wasaarihii oo dib Muqdisho ugu laabtay. Madaxweynaha ayaa wax lalayaabo ku tilmaamay sida xushmo darrada ah ee Puntiland ay ula dhaqantay R/wasaare Cumar C/rashiid.

Madaxwynaha ayaa ugu danbeyntii ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo colaadda ka aloolsan Gaalkacyo, kana codsaday dawladda federaalka iyo bulshada caalmkaba in ay qaataan dawrkooda ku aaddan nabadeynta.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment