3540 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo rajo ka muujiyay xal u helida colaada Gaalkacyo

Ra’iisul Wasaaraha oo rajo ka muujiyay xal u helida colaada Gaalkacyo
____________________________________________________________________________

Muqdisho, November 28, 2015——–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib safar uu ku tagay magaalooyinka Cadaado iyo Garowe, ayuu shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay garoonka Aadan Cabdulle.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa rajo ma kuujiyay xal u helida colaada Gaalkacyo, isaga oo xusay in kulamadii uu la qaatay hogaamiyeyaasha labada dhinac ay u muujiyeen dabacsanaan iyo inay diyaar u yihiin in la joojiyo falalka gacan ka hadalka ah.

“Waxaan u soo saaray guddi heer wasiiro ah, waxayna gaari doonaan magaalada Gaalkacyo iyo goobihii gacan ka hadalku ka dhacay, waxaana rajeynayaa in xal waara oo nabadeed laga gaaro” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in dadka ku dhaqan degaanadaasi ay yihiin dad walaalo ah, loona baahan yahay inay khilaafaadkooda ku xalistaan miiska wadahadalka.

Ugu dambeyntiina, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa ugu baaqay dhinacyada ku lugta leh dagaalka magaalada Gaalkacyo inay si deg deg ah u joojiyaan, ayna dib uga fakaraan natiijada dagaalka, oo ah dhimasho, dhaawac, burbur hanti iyo barakac.

——————————————–

Ali Omar Ghedi | Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment